20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in ay bedeleen Xeeladdii Dagaal ee ay kula jireen Ciidamada Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img


Talaado,
December 26, 2006(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in ay bedeleen xeeladdii dagaal ee ay ku wajahayeen Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ay dagaalka iskala soo horjeedeen.

 

Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in ay xeeladdaas bedeleen kadib markii ay Ciidamada Itoobiya dagaalka ku soo galeen Diyaaradaha dagaalka ee Miigagga, wuxuuna caddeeyay Shiikh Shariif in ay dagaalka u bedelayaan qaab cusub oo ah mid daba dheeraada oo ay dhici karto in uu muddo sanado ah socdo.

 

Shiikh Shariif oo shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu socdaallo ku soo kala bixiyay dalalka Yemen iyo Imaaraadka Carabta  ayaa waxaa uu intaas ku daray in dagaalka cusub ee ay la gelayaan ciidamada Itoobiya uu noqon doono mid ay ku jabto Dowladda Itoobiya.

 

Shiikh Shariif waxaa uu ku dheeraaday ka hadalka taariikhda dagaalladii dhexmaray Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dhamaan hoggaamiyayaashii soo maray Dalka Itoobiya ay intuba weerarro ku soo qaadeen Dalka Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu sheegay in ay dalka Imaaraadka Carabta ay kulamo ku wada qaateen mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Itoobiya, wuxuuse xusay in aysan kulamadooda wax natiijo ah ka soo bixin, waxaana taasi sabab u ahayd ayuu yiri iyadoo ay Itoobiyaanka soo bandhigeen shuruudo u cuntami waayay oo ay ka mid ahaayeen in ay xiriirka u jaraan Dalalka ay xiriirka la leeyihiin iyo arrimo kale.

 

Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu ka hadlay Beesha Caalamka oo uu xusay in ay ka aamusan tahay weerarrada gardarrada ah ee ay dowladda Itoobiya ku heyso dalka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in aaney waxba ka jirin warbixinno Beesha Caalamka looga gudbiyay Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo ah in ay dalka Soomaaliya soo geliyeen dad argagixiso ah, isla markaana ay xiriir la leeyihiin argagixisada Caalamka, “ma jiro wax xiriir ah oo naga dhaxeeya argagixisada, waxaana nahay dad muslimiin ah oo difaacanaya xuquuqdooda aas aasiga ah ee Muslinnimada.

 

Shirkan Jaraa’id ee uu maanta qabtay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo deegaano dhowr ah oo ay horay ugu sugnaayeen Maxkamadaha Islaamka ciidamadooda ay dib ugu soo baxeen, iyadoo taasina ay Mas’uuliyiinta Maxkamadaha ku tilmaameen dib u gurasho xeelad dagaal.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).