Talaado, December 26, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in ay xalay deegaanka Deynuunaay dib uga soo gurtee Ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo muddo todobaad ah halkaas kula dagaalamayay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Ciidamada Maxkamadaha ay haatan ku sugan yihiin deegaanka Jameeco oo dhanka
Xoghayaha Guud ee Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuleey ayaa dib u soo bixitaanka Ciidamada Maxkamadaha ku macneeyay mid ay dabin ugu dhigayaan Ciidamada Itoobiyaan oo ay horay khasaare ugu geysteen, wuxuuna sheegay in ay Itoobiyaanku ka shalaayi doonaan gardarrada ay ku soo galeen dalka Soomaaliya.
Dhanka kalena wararka naga soo gaaraya Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in ay halkaasi gaareen Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira, kuwaasi oo ku hubeysan ilaa 60 gawaari dagaalka ah oo Kaarayaal iyo Taangiyo isugu jira.
Hoggaamiyayaal ay ka mid yihiin Maxamed Dheere, Cabdi Waal, Yuusuf Daba-geed iyo C/qaadir Beebe ayaa waxay la hadleen dadka Degmada Buulo Burte, walow la sheegayo in ay dadku dhagaxyo ku tuureen mar ay hadlayeen qaar ka mid ah hoggaamiyayaashaas.
Ciidamadaas la sheegay in ay doonayaan in ay u dhaqaaqaan dhinaca Gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan Magalaada Jowhar oo uu horay uga talin jiray Hoggaamiye Kooxeedka Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
Magaalada Jowhar ayaa iyadana waxaa lagu soo waramayaa in ay haatan ku sugan Hoggaanka sare ee Maxkamadaha Islaamka ee kala Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Shiikh Shariif Axmed, kuwaasi oo halkaasi ku qaban qaabinaya Ciidamo ka hortaga Ciidamada uga soo duulaya dhinaca Gobolka Hiiraan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online