Isniin,
Afhayeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari ayaa sheegay in Golaha Wasiirrada oo maanta shir ku yeeshay Magaalada Baydhabo ay go’aan ku gaareen in la xiro dhamaan xuduudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in aysan halkaasi ka soo gudbi karin cid aan ogolaasho ka heysan Dowladda Federaalka.
C/raxmaan Diinaari waxaa uu sheegay in ay Dowladda Federaalka ka codsatay dowladaha la deriska ah iyo guud ahaan Beesha Caalamka in kala shaqeeyaan meel marinta go’aanka ay soo saartay.
Mar uu ka hadlayay Dagaallada ka socda Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalkaas uu u dhaxeeyo Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka, isagoo kaalinta Dowladda Itoobiya ee dagaalladana ku sheegay gacan siinta Dowladda Federaalka.
C/raxmaan Diinaari waxaa uu sheegay in magaalada Beledweyne ay saakay la wareegeen ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in ay dowladda aad ugu faraxsan tahay in markii ay Ciidamadooda la wareegeen gacan ku heynta Beledweyne ay halkaas ka taagtay Calanka Soomaaliya oo tan iyo markii ay Maxkamadaha Islaamka ka talinayeen Magaalada Beledweyne laga dejiyay Xarunta Gobolka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online