Isniin,
Prof. Caddow waxaa uu sheegay in haddiiba ay wada hadallo gelayaan maxkamadaha Islaamka ay la hadlayaan Itoobiya oo haatan ay Maxkamadaha is-hayaan, wuxuuna intaas ku sii daray in ay Baydhabo fadhiyaan dad doonaya in ay dadka Islaamka ah ee Soomaaliyeed ay xukumaan Cadawgooda.
Prof. Ibraahim Xasan Caddow waxaa uu sheegay in uusan wada hadal jirin inta ay dalka Soomaaliya ku jiraan Ciidamo Itoobiyaan ah oo weliba la dagaalamaya Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Itoobiyaanka kaliya la hadli karaan marka ay ka baxaan gudaha Dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa isaguna wuxuu Maxkamadaha Islaamka ku tilmaamay in ay yihiin kuwo dagaal doonaya oo aan nabad rabin, wuxuuna sheegay in ay Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka ay horay u dagaalamayeen tan iyo sanadkii 1992-kii.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu sheegay in ay mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ay markii afaraad dagaallo ka wadaan dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay markii ugu horeysay ay dagaal ka rideen deegaano ka tirsan Puntland, mar kalena bariga Kilinka Shanaad ee Soomaalida, marka kalena deegaano ka tirsan Gobolka Gedo iyadoo haatanna uu xusay in ay midkii ugu dambeeyay ka wadaan deegaano badan oo koofurta Soomaaliya ka tirsan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online