Isniin,
Diyaarad Miig ah oo duqeysay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxay hal gantaal ku dhuftay halka ay diyaaraduhu fariistaan ee garoonka Muqdisho, iyadoo firirkii ka baxay gantaalkaas uu gudaha garoonka ku dhaawacay haweeney ka mid ah nadiifiyayaasha Garoonka, taasi oo dhaawaceeda lagu daweynayo Isbitaalka Banaadir.
Wax yar kadib markii ay diyaaradda duqeysay Garoonka Muqdisho waxaa halkaas ka soo degay Wafdi ay hoggaaminayeen mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka ee kala ah Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo dalka dibaddiisa ku maqnaa.
Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ee garoonka ka soo degay saxaafadda lama aysan hadlin, hayeeshee waxaa uu Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu socdaallo ku soo kala bixiyay Dalalka Yemen iyo Imaaraadka Carabta, halka Shiikh Xasan Daahir Aweys oo dhawaan dalka ka dhoofayna aan la shaacin halkii uu u dhoofay ee uu saakay ka soo laabtay.
Intaas kadib waxaa gudaha Garoonka Shir Jaraa’id ku qabtay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxmaan Maxamuud Jinaqow oo sheegay in diyaarad ay leedahay Itoobiya ay weerar ku soo qaaday Garoonka Muqdisho, isla markaana ay duqeysay meesha ay diyaaraduhu fariistaan.
Shiikh C/raxmaan Jinaqow waxaa uu intaas ku daray in dowladda Itoobiya ay fulineyso hanjabaad ay horay dadka Soomaaliyeed ugu soo jeedisay taasi oo ahayd in ay weerari doonto, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay dadka Soomaaliyeed arrintaas ka jawaabi doonaan, isagoo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay hubkooda soo qaataan.
Shiikh C/raxmaan Jinaqow waxaa uu shacabka Soomaaliyeed uga digay in ay isugu yimaadaan meelaha ay bar tilmaameedsan karaan, isla markaana aysan isugu soo uruurin meelaha ay duqeeyaan diyaaradaha Itoobiyaanka, isagoo taasina ku sababeeyay in ay diyaaradaha Madaafiic kale ku soo celin karaan halkii ay duqeeyeen.
Maareeyaha garoonka Diyaaradaha Muqdisho C/raxiin Cali Wehliye ayaa isaguna ka hadlay duqeynta ay diyaaradda Itoobiya u geysatay wuxuuna sheegay in aysan arrintaas dhibaato u geysan doonin howlaha Garoonka, walow dadka qaarkiis ay cabsi iyo wel wel muujin karaan.
Markii qadar daqiiqado ah ay ka soo wareegatay duqeyntii garoonka Muqdisho ayaa waxaa na soo gaaray Warar kale oo sheegaya in ay Diyaarado dhowr ah oo Itoobiyaan ah ay duqeeyeen Garoonka Balli Doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo meel u dhow ay fariisin u tahay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo ay la jiraan Ciidamo ka tirsan kuwii hore ee Mileteriga Soomaaliya.
Haddaba markii ay markii shacabka Muqdisho maqleen guuxa Diyaaradda duqeysay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxay sameeyeen isu soo bax aad u weyn oo ay uga soo horjeedeen faragelinta ay Ciidamada Itoobiya, gaar ahaan diyaaradaheeda dagaalka ay ku hayaan Dalka Soomaaliya, waxayna dadkaas ku dhawaaqayeen ereyo lid ku ah Dowladda Itoobiya iyo Ra’iisal Wasaaraheeda Meles Zenawi.
Xaaladda Dadka Muqdisho ayaa aad u kacsan, waxayna dadka ka walaacsan yihiin diyaaradaha Miigagga ah ee ku soo bilowday hawada Magaalada Muqdisho, waxayna dadkani badankood qabaan in haddii dagaalka uu sii xoogeysto ay suurtagal tahay in ay meelo kale ka duqeeyaan Diyaaradaha Itoobiyaan Magaalada Muqdisho.
Wararkii ugu dambeeyay ee dagaallada u dhaxeeyay Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka iyo Dowladda Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in uu dagaal aad u xooggan uu labada dhinac ku dhexmarayo Deegaanka Deynuunaay ee gobolka Bay, walow xaaladda deegaanka Idaale ay maanta tahay mid degan.
Dhinaca Gobolka Hiiraan ayaa laga soo sheegayaa in ay jiraan Dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwo kale oo taabacsan Hoggaamiye Kooxeedyadii ka talin jiray Gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe, iyadoo saakayna ay gacan magaalada Beledweyne dib ugu soo noqotay gacanta Maamulkii uu Guddoomiyaha ka ahaa Yuusuf Axmed Xagar (Yuusuf Dabageed).
Dagaalka ka socda deegaanada ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa cidda uu u dhaxeeyo waxaa ka soo baxa warar kala duwan, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in ay dagaalka ka qeybqaadanayaan, isla markaana ay Magaalada Beledweyne wax ka qabteen Ciidamo Itoobiyaan ah oo Taangiyo wata, walow afhayeenka Dowladda Federaalka C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari uu sheegay in Magaalada Beledweyne ay gacan ku heynteeda la wareegeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Magaalada Beledweyne ayaa waxay sheegayaan in magaaladaas ay gashay bandow, iyadoo taasina ay ku sheegeen mas’uuliyiinta la wareegay gacan ku heynta magaalada in lagu xaqiijinayo ammaanka Magaalada.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Daba-geed iyo Duqa Magaalada Beledweyne Aadan Garaaso ayaa waxay uga digeen dadka Beledweyne in aysan magaalada ku dhex qaadan karin wax hub ah, iyadoo Yuusuf Daba-geed uu sheegay in ay u aqoonsanayaan ciddii aan ciidamadooda ka tirsaneyn ee hub lagu arko ay u aqoonsanayaan Al-Qaacidda, isla markaana ay iska qabanayaan.
Dhinaca kalena Qaar ka mid ah Ciidamadii saakay la wareegay gacan ku heynta Magaalada Beledweyne ayaa waxay u dhaqaaqeen dhinaca Degmooyinka xiga Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo Ciidamadaasna la sheegayo in ay horkacayaan Guddoomiyihii Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Dheere iyo C/qaadir Beebe oo isna ka mid ah Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho ay ka ceyrsadeen Maxkamadaha Islaamka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online