Isniin, December 25, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay saakay magaaladaas la wareegeen ciidamo la sheegay in ay ka amar qaataan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Col. Mukhtaar Xuseen Afrax oo Ciidaman hoggaaminaya ayaa HOL u sheegay in ay magaalada ku soo galeen si dhib la’aan ah oo aan dagaal lahayn, wuxuuna intaas ku daray in dadka magaalada ay si weyn u soo dhaweeyeen.
Col. Mukhtaar waxaa uu sheegay in Ciidamada uu hoggaaminayo ee magaalada la wareegay ay yihiin kuwo ka amar qaata dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo si buuxda gacanta ugu haya magaalada.
Ilaa iyo hadda waxaan la ogeyn halka ay qabteen Ciidamadii Maxkamadda Islaamiga Gobolka Hiiraan oo iyagu maalintii shalayd ahayd dagaal xooggan la galay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwan haatan la wareegay gacan ku heynta Magaalada Beledweyne.
Ciidamadan ayaa markii ay la wareegeen gacan ku heynta Magaalada waxaa ay durba bilaabeen in ay magaalada ka bedeleen astaamihii Maxkamadda Islaamiga ee bilihii la soo dhaafay Magaalada ku sugneyd, waxaana durba dib loo howlgeliyay Ciidamadii Saldhigga Booliska Magaalada, halka Xarunta Gobolkana laga taagay Calanka Soomaaliya oo intii ay Maxkamadaha Islaamka meesha heysteen aan xarunta lagu arki jirin.
Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo taraya ayaa sheegaya in Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Daba-geed uu ku sugan yahay Magaalada Beledweyne, walow uusan ka mid ahayn mas’uuliyiintii ka soo muuqatay Xarunta Gobolka.
Wixii War ah ee ku soo kordha Xaaladda Magaalada Beledweyne kala soco Hiiraan Online
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online