20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay iska difaaceen weerarro Cir iyo Dhul ah oo ay ku soo qaadeen Ciidamada Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 24, 2006(HOL): Xoghayaha Guud ee Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuleey oo loo xil saaray in uu saxaafadda uga warbixiyo wararka ku saabsan dagaalka ay Ciidamada  Maxkamadaha Islaamka kula jiraan Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwo Itoobiyaan ah.

 

Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuleey waxaa uu sheegay in saakay  Ciidamada Itoobiya oo cir iyo dhul ku socday ay meelo badan ka soo weerareen deegaano ay ku sugan yihiin Ciidamada Maxkamadaha Islaamka, gaar ahaana Deegaannada Bandiiradley, Jawiil iyo Deynuunaay.

 

Shiikh Maxamuud waxaa uu sheegay in kadib markii ay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ay dhulka uga adkaadeen Ciidamada Itoobiya ay bilaabeen in ay diyaaraddo soo qaataan, isla markaana ay deegaano ka mid ah Gobolka Hiiraan ay duqeeyaan.

 

“Alle ayaa mahad leh oo naga guuleeyay Ciidamadii Tigreega ee nagu soo duulay oo dhulka waan uga adkaanay, haddii Alle idmana waan soo ridi doonnaa diyaaradaha ay soo kiciyeen”ayuu yiri Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuleey oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is-dejiyaan, isla markaana aysan ka walaacin diyaaradaha ay soo kicisay Dowladda Itoobiya.

 

Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuleey waxaa uu ka hadlay dagaallo kale oo ka dhacay deegaanada Bandiiradley iyo Deynuunaay, wuxuuna sheegay in Aagga Deynuunaay ay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka jab ugu geysteen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee uga soo horjeeday, wuxuuna caddeeyay in ay halkaas dhowr Taangi uga qabsadeen Ciidamada Itoobiya.

 

Shiikh Maxamuud waxaa uu baaq u jeediyay Ciidamada Keydka ah ee Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo uu u sheegay in ay tagaan xerooyinka lagu abaabulayo Ciidamada Maxkaamdaha Islaamka ee dagaalka aadaya, si buu yiri ay hoggaamiyaan dagaalyahanno isu diiwaangeliyay in ay ka qeybqaataan difaaca dalka iyo diinta.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo Kuwa Dowladda Federaalka ee ay kaalmeynayaan Ciidamada Itoobiya oo haatan dagaalka si muuqata u soo galay ayaa wuxuu isu bedelay mid dhinaca cirka ah, iyadoo maanta Magaalada Beledweyne ay afar diyaaradood oo nooca miigga ah ay isu bed-bedelayeen si ay u garaacaan, walow aaney gudaha Magaalada si qumaati ah u duqeynin.

 

Diyaaradaha saakay duqeeyay Deegaanada ku xeeran Magaalada Beledweyne  ayaa waxay bar tilmaameedsanayeen Fariisimo ay Ciidamada Maxkamadda Islaamiga Gobolka Hiiraan ay lahayd, waxaana taasi marag muujin u ah in ay diyaaradaha duqeeyeen Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif oo iyagu ay ciidamo ku sugnaayeen iyo weliba Xarun ay Maxkamadaha Islaamka dhaqancelin ahaan u isticmaalaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).