Axad, December 24, 2006(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta dadka Baydhabo kala hadlay Radio ay leedahay Dowladda Federaalka oo lagu rakibay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu sheegay in ay jab la kulmi doonaan Kooxo Argagixiso ah oo weerar ku soo qaadaya fariisimada Dowladda Federaalka.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa dadka Baydhabo u sheegay in aysan wel wel ka qabin in ay saameeyaan dagaallada socda, wuxuuna caddeeyay in ay difaaci doonaan Ciidamada Dowladda Federaalka.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo hadalkiisan uu ahaa midkii ugu horeeyay ee uu bixiyo tan iyo markii ay bilowdeen dagaallada u dhaxeeya Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamada ayaa intaas ku daray inay jab la kulmi doono Xoogag Argagixiso ah oo sida uu yiri uu hoggaaminayo Xasan Daahir Aweys.
“Aniga iyo Xasan Daahir waan is-naqaanaa, horayna waan u dagaalannay, hadana waan ka adkaan doonnaa isaga iyo Argagixisada uu hoggaaminayo”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo Maxkamadaha Islaamka ku eedeeyay in ay dadka ku nool meelaha ay ka taliyaan isugu daray gaajo iyo dagaallo.
Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa kadib markii uu shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo waxaa uu sheegay in Maxkamadaha Islaamka ay in ka badan 4000 oo askari ay ku weerareen Degmada Diinsoor, hayeeshee jab loo geystay.
Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa labo maalmood oo isku xiga waxaa ay ka hadleen dagaallada Dowladda Federaalka kala dhaxeeya Maxkamadaha Islaamka, halka maalmihii hore ee ay dagaallada cusbaayeen uu saxaafadda la hadli jiray Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle.
Magaalada Baydhabo oo fariisin KMG ah u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay muddo saacado ah waxaa hawada ka maqneyd isgaarsiintii lagula xiriiri jiray, iyadoo taasina lagu macneeyay in ay magaalada gudaheeda dhaqdhaqaaqyo ka wadeen ciidamo Itoobiyaan ah, inkastoo hadana ay isgaarsiintii dib u soo laabatay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online