16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Diyaarado Itoobiyaan ah oo duqeyn ku haya hareeraha Magaalada Beledweyne

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 24, 2006(HOL): Diyaaradaha Itoobiya ee Miigagga ah ayaa waxay duqeyn ku hayaan nawaaxiga Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay dagaal iskala hor yimaadeen Ciidamada Maxkamadda Islaamka ee Gobolka Hiiraan.

 

Wariyaheena C/raxmaan Diini oo isagu tegay Jiidda hore ee dagaalka ayaa soo sheegaya in kadib markii dagaal xooggan uu dhexmaray labada dhinac ay bilaabeen Ciidamada Itoobiyaanka in ay diyaarado soo kacsadaan isla markaana ay ku duqeeyaan nawaaxiga Magaalada Beledweyne, gaar ahaana deegaanadii ay dhawaan u baro kaceen dadkii ka cararay fatahaaddii ka dhacday magaalada Beledweyne ee Janta Kuundisho, Ceel Jaalle iyo weliba Jawiil iyo Kala-Beyrka.

 

Dadka Magaalada Beledweyne oo xaalad adag ay soo food saartay ayaa qaarkood haatan waxay bilaabeen in ay isaga cararaan Magaalada, isla markaana ay magaalada dibadda uga baxaan, si aysan waxyeello uga soo gaaarin duqeynta diyaaradaha ay soo kicisay Itoobiya.

 

Dhanka kalena, Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in ay iyana dadkii ku noolaa magaaladaas ay bilaabeen in ay qaxaan, iyagoo ka baqaya in uu magaalada dagaal ku qabsado, waxayna qaxaasi bilaabeen kadib markii saakay la jaray Isgaarsiintii Magaalada ay kula xiriiri jirtay gobollada kale ee dalka iyo dibaddiisa.

 

Wixii ku soo kordha Xaaladaha Dagaalka kala soco Hiiraan Online

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).