16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Dagaallo saakay hal mar ka wada qarxay Bandiiradley, Jawiil iyo Deynuunaay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 24, 2006(HOL): Deegaanka Bandiiradley ee gobolka Mudug, Deegaanka Jawiil ee Gobolka Hiiraan iyo Deegaanka Deynuunaay ee Gobolka Bay ayaa saakay waxaa mar kaliya ka wada qarxay Dagaallo xooggan oo u dhaxeeya Maxkamadaha Islaamka iyo ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira.

 

Deegaanka Bandiiradley ayaa dagaalka ka socda lagu soo waramayaa in uu u dhaxeeyo Ciidamo ka socda Puntland oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan iyo Ciidamada Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo dagaalkooda uu ka dhacayo meel u dhaxeysa Deegaanada Bandiiradley iyo Seddex Xiglo.

 

Deegaanada gobolka Hiiraan ka tirsan ee ay dagaalladu ka qarxeen ayaa iyaguna lagu kala sheegay Jiracle, Beer Gadiid iyo Qabno, waxaana halkaas ku dagaalamaya Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwo kale oo ka amar qaata Maamulladii Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan ee ay Maxkamaduhu talada kala wareegeen.

 

Shiikh C/raxiin Abuu Salmaan oo ka tirsan Mas’uuliyiinta Maxkamadda Islaamka Gobolka  Hiiraan ayaa sheegay in ay Ciidamo Itoobiyaan ah weerar ku soo qaadeen, isla markaana ay dadka madaafiic ku ridayaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Ciidamada Maxkamadaha ay difaac xooggan ku jiraan.

 

Deegaanka Deynuunaay ee Gobolka Bay oo shalay xaaladeedu ay deganeyd ayaa saakay waxaa ka socda dagaal aad u xooggan oo dhexmaraya Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah.

 

Dhamaan deegaanada ay dagaalladu ka socdaan weli nagama soo gaarin khasaare soo gaaray labada dhinac, sabab la xiriirta in uu dagaalku goor dhaweyd bilowday.

 

Deegaanka Idaale ee Gobolka Bay oo shalay uu ka socday dagaal xooggan ayaa saakay la soo sheegayaa deganaan, walow ay jiraan madaafiic waa weyn oo ay labada dhinac isku ridayaan.

 

Wixii warar ah ee ku soo kordha dagaallada ka bilowday Bandiiradley, Jawiil iyo Deynuunaay kala soco Hiiraan Online

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).