16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Golaha Maxkamadaha Islaamka oo Caalamka u sheegay in waxa ku dagaalamaya Soomaaliya ay yihiin Shacabka Soomaaliyeed iyo Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 23, 2006(HOL): Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka ayaa maanta shir jaraa’id oo ay uga hadleen dagaallada kala dhaxeeya Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Itoobiya ayaa sheegay in uu saakay dagaal xooggan ka dhacay deegaano u dhaxeeya Idaale iyo Mannaas oo gobolka Bay ka wada tirsan.

 

Madaxa Ammaanka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay inta u dhaxeysa Idaale iyo Mannaas uu dhexmaray Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwo Tigree ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay in halkaas lagu jebiyay wax uu ugu yeeray Ciidamada Tigree-ga.

 

Shiiik Yuusuf Indha Cadde waxaa uu sheegay in ay hayaan caddeymo muujinaya in ay dileen ciidamo Itoobiyaan ah oo isugu jira Aqoonsiyadoodii, lacag ay wateen iyo weliba dharkoodii, wuxuuna caddeeyay in ay saxaafadda u soo bandhigi doonaan.

 

Shiikh Yuusuf Indha Cadde waxaa uu sheegay in Mele Zenawi oo Madax u ah sida uu u yiri Jabhadda Tigree-ga uu  baneystay weerar uu ku soo qaado dalka Soomaaliya, sidaas darteedna wuxuu caddeeyay in ay iyaguna dalka Soomaaliya ku marti qaadayaan Muslimiinta Caalamka, si ay ugala qeybqaataan difaaca dalka Soomaaliya.

 

Sidoo kalena waxaa shir jaraa’id ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxmaan Maxamuud Jinaqow oo Beesha Caalamka ku eedeeyay in aysan si daacad ah uga hadleynin arrimaha Soomaaliya, wuxuuna tibaaxay in Caalamka uu haatan ka aamusan yahay Soomaaliya oo lagu soo duulay, berrina uu qeylin doono marka ay Mujaahidiinta Islaamka gudaha u galaan Dalka Itoobiya.

 

Shiikh C/raxmaan Jinaqow waxaa uu intaas ku darya in ay beesha Caalamka u sheegayaan in waxa dalka Soomaaliya ku dagaalamaya ay yihiin Shacabka Soomaaliyeed oo is-difaacaya iyo Ciidamo Tigree ah oo ku soo duulay, “Caalamka maanta aamusan waxaan u sheegeynaa in ay Itoobiya kula taliyaan in ay dalkeena nooga baxdo, halkii uu berri ka qeylin lahaa, iyadoo aan ognahay in uusan Caalamka ka hadlin markii uu Meles Zenawi lahaa Soomaaliya ayaa weerarayaa, isla markaana uu Baarlamaanka Dalkiisa u codeynayay.

 

Shirkan Jaraa’id ee ay qabteen mas’uuliyiinta Maxkamada Islaamka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta iyo Madax ka tirsan Caalamka ay sheegeen in ay ugu baaqayaan Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka in ay dagaalka joojiyaan, isla markaana ay wada hadallada ku laabtaan.

 

Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ee shirka Jaraa’id qabtay waxay diideen in beesha Caalamka ay yiraahdaan Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha waa in ay dagaallada joojiyaan, isla markaana ay wada hadlaan, waxayna ku doodayaan in waxa dagaalamaya ay yihiin Shacabka Soomaaliyeed iyo Itoobiya, sidaas darteedna aan meesha la soo gelin Dowladda Federaalka.

 

Dhanka kalena, Shiikh Ibraahim Shukri oo  ka tirsan Afhayeennada Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegay in xalay ay gaareen Deegaanka Tiyeeglow ee gobolka Bakool Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo ka kala tegay Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, kuwaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay Tiyeeglow.

 

Shiikh Ibraahim Shukri waxaa uu intaas ku daray in maanta loo xoolo qalayo Ciidamadaas oo ay u yeerteen dadka Tiyeeglow, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay haatan wixii ka dambeeya ay Ciidamadu ka hortegi doonaan Xadgudubyo ay Ciidamada Itoobiya ka geysan jireen deegaano ka tirsan Gobolka Bakool.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).