Sabti, December 23, 2006(HOL): Xarumo caafimaad oo ku yaala Degmada Gaarisa ee gobolka W/Bari Kenya ayaa lagu dabiibayaa dad la xanuunsanaya xumadda Rift Valley, waxaana dadkaasi oo u badan kuwo reer Miyi ah.
Cudurka Rift Valley ayaa mar sii horeysay waxaa uu ka dilaacay gobollo ka tirsan Dalka, iyadoo xiligaasina la sheegay in uu dalka Soomaaliya u gudbay, waxayna taasi u keentay Soomaalida in ay dalalka Khaliijka iska diidaan xoolihii Soomaaliyeed sabab la xiriirta in ay qabaan Cudurka Rift Valley Fever.
Maxamed Maxamuud oo 28 sano jir ah wuxuu la xanuunsanayaa Xumadda Rift Valley Fever, wuxuuna yaala banaanka xarun caafimaad oo ku taala Gaarisa oo 390km dhinaca Waqooyi Bari Kenya kaga toosan. Xanuunkann Rift Valley wuxuu todobaadkii la soo dhaafay ku dilay deegaano ka tirsan Gobolka Waqooyi
Cali Caddow iyo Xaaskiisa Sangaabo Caddow ayaa waxay ku hayaan Xarunta Caafimaad oo Gaarisa ku taala Wiilkooda Cabdi Cali oo 18 sano jir ah, kaasi oo uu soo ritay xanuunka Rift Valley. Xanuunkann Rift Valley wuxuu todobaadkii la soo dhaafay ku dilay deegaano ka tirsan Gobolka Waqooyi
Gini Maxamed oo 25 sano jir ah waxay la xanuunsaneysaa Xumadda Rift Valley Fever waxaana goobta caafimaadka la jooga ninkeeda Dubad Maxamuud Xanuunkann Rift Valley wuxuu todobaadkii la soo dhaafay ku dilay deegaano ka tirsan Gobolka Waqooyi
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online