Arbaco, December 20, 2006(HOL): Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Itoobiya oo lagu shaaciyay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayay ku sheegtay Dowladda Itoobiya in ay Maxkamadaha Islaamka goosteen in ay la dagaalamaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay iska iloobaan wada hadalladii labada dhinac u socday.
Sidoo kalena waxaa lagu xusay Warsaxaafadeedka in Dowladda Itoobiya aysan wax lug ah ku yeelan dagaalka dhexmaraya Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka, iyadoo eedeyntaas oo uga timid dhinaca maxkamadaha ay ku tilmaantay mid aan waxba ka jirin.
Maxkamadaha Islaamka ayay ku eedeysay dowladda Itoobiya in ay nabad dagaal ka doorteen, isla markaana ay dagaallo isu soo diyaariyeen, sidaas darteedna ay dowladda Itoobiya is-difaaci doonto haddii ay dhinaca Maxkamadaha culeysyo uga yimaadaan.
Wasiirka Dalxiiska iyo Tacliinta ee Xukuumadda Itoobiya Maxamuud Dirir oo la hadlayay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Carabiga ayaa sheegay in dagaallada ka dhex qarxay maxkamadaha Islaamka ay yihiin kuwo aad looga xumaado, wuxuuna carrabka ku dhuftay in taasi bedelkeeda looga baahnaa labada dhinac in ay wada hadlaan.
“Waxa dalka Soomaaliya ka dhacaya waa wax aad looga xumaado, in haatan dagaal uu qarxo, arintuna ay fowdo isu bedesho, hayeeshee annagu Itoobiya ahaan waxaan u aragnaa in ay lagama maarmaan ay tahay in walaalaheena Soomaaliyeed ay iska iloobaan dagaallada iyo in ay dhiig iska daadshaan”ayuu yiri Maxamuud Dirir oo dhanka kale waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamo Itoobiyaan ah ay ku sugan yihiin gudaha Dalka Soomaaliya, marka laga reebo sida uu yiri tababarayaal mileteri.
Guddoomiyaha Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa maalintii shalay ahayd kadib wada hadallo uu la yeeshay Ergay ka socday Midowga Yurub oo Louis Michel lagu magacaabo waxaa uu sheegay in dagaal ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Bay uu u dhaxeeyay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna meesha ka saaray in uu jiray dagaal dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka.
Haddaba iyadoo Dowladda Federaalka iyo Dowladda Itoobiya ay beeniyaan in ay dalka Soomaaliya joogaan Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa maalintii shalay ahayd waxaa joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee gobolka Bay xaqiijiyay Wariye ka tirsan BBC-da oo lagu magacaabo Adam Mynott, kaasi oo sheegay in uu indhahiisa ku arkay Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaadiidka dagaalka wata, kuwaasi oo socday meel aan u dheereyn magaalada Baydhabo. Wariyaha wuxuu la socday Wafdigii Midowga Yurub ee shalay Baydhabo iyo Muqdisho booqday.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online