16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Ciidamo ka tirsan Maxkamadda Islaamiga Gobolka Hiiraan oo u dhaqaaqay dhinaca Gobolka Bakool

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, December 20, 2006(HOL): Ciidamadan oo gaaraya Ilaa 500 oo Askari, kuna hubeysan Gawaarida Dagaalka ayaa mar kaliya u dhaqaaqay dhinaca Gobalka Bakool oo baryihii aynu soo dhaafnayba ay ka taagneyd xiisad dagaal oo u dhaxeeysa  ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kuwa Maxkamadaha Islaamka.

 

Ciidamadan oo Maalmihii aynu soo dhaafnayba si weyn looga hadal hayay Gudaha magaalada ayaa sida warar xog-ogaal ah xaqiijinayaan waxaa ay qeyb ka noqon doonaan ciidamada Midowga Maxkamadaha ee horay ugu sugnaa Degaano ka tirsan Gobalka Bakool, Gaar ahaan aaga Degmada Tiyeeglow.

 

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Maxkamadda Islaamiga Gobolka oo arrintaasi wax laga weydiiyay ayaa ka gaabsaday  in ay ka hadlaan  waxa xilgan ku soo beegay bixitaanka ciidamada, sidoo kalena waxaa ay diideen in ay xaqiijiyaan halka rasmiga ah ee Ciidamadaasi ay tagayaan.

 

Maalmihii aynu soo dhaafanay ayaa waxaa ka jiray gudaha gobalka arrimo ku aadan tababa baridda Ciidamo cusub iyo waliba Isku shaan-dheyn dhinaca difaaca ah oo lagu sameynayo kuwii hore,  Iyadoo ciidamadii horay u joogay deegaanka Kala-Beyr loo qeybiyay  saddex qeybood oo kala ah kuwo loo diray dhinaca Bandiiradley,  kuwa ku sii sugnaanaya  Kala-Beyr, iyo waliba kuwa kale oo loogu talagalay in ay u amba baxaan  dhinaca  deegaanka Far-libaax  oo xuduud la leh dhulka Itoobiya.

 

Arrimahan oo dhan ayaa waxay ku soo beegmayaan xilli  Gobolka maalmihii aynu soo dhaafnay uu ku sugnaa  Aadan Xaashi Ceyrow oo ka tirsan   Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamiga, kaasi oo kulamo dhinaca Ammaanka ah la lahaa mas’uuliyiinta  Maxkamadda Gobalka Hiiraan.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).