Mucjisooyinka Allaah waa ay badan yihiin, waxaana wanaagsan In Allaah lagu xamdiyo marka la arko
Arbaco, December 20, 2006(HOL): Cismaan Xalane Xasan Waa wiil yar oo Jira 1 Sano iyo Bar kuna nool XaafadDa Howl-wadaag ee Magaalada B/weyn. Saciido Salaad oo ah Hooyada dhashay canugan yar ayaa sheegtay in wiilkeeda uu dhashay isaga oo aan wax gacmo ah laheyn taasoo ayeey tiri igu abuurtay markii ugu horeysan oo aan arkay wal wal iyo cabsi badan.
Saciido Salaad oo ka warbixisay Hab nololeedkii wiilkeeda ilaa laga soo bilaabo dhalashadiisa waxaa ay sheegtay in Wiilka uu gacanta ku hayay Abihii Xalane Xasan oo sida ay sheegatay siin jiray Wiilka xanaano iyo daryeel ka badan tan caruurta kale, waxaana ay intaa ku daratay in xitaa Aabihii uu u diidi jiray in a y arkaan dadka kale.
Laakiin waxaa ay sheegatay in Odaygu dhintay 21 cisho ka hor markii sida ay sheegtay laga soo laabtay Fatahaadii biyaha, taasoo Qasab ka dhigtay ayeey tiri in aan soo bandhigo xaaladda wiilka, si markaas wax laygala qabto.
Cismaan Marka aad eegto Waa wiil Muuqaalkiisu aanu xumeyn dhiigiisuna wanaagsan yahay, laakiin marka aad eegto waxaa kuu muuqanaya in uu yahay Ruux aan arki jirin Bulsho badan, waxaana uu ka arga gaxayaan muuqaalka badan, taasoo ay ugu wacan tahay Aabihii oo si gaar ah u heyn jiray.
Maskax ahaan Waa caadi Cisamaan laakiin waxaa heysata dhibaato dhinaca Nolosha ah maadama uusan lahayn qeyb dhan oo muhiim u ah Nolasha Qofka Bani’aadamka ah, Awood uma laha in uu kaligii istaago, sidoo kalena Xitaa marka uu jiifo way adag tahay in uu kaligii Fadhiisto, sidoo kale Cismaan oo ah Wiil Hadda soo koraya waxaa hor yaala dhibaato adag oo dhinaca nolosha ah, Ma awoodi karo in uu kaligii wax cuno, waxaana cad in nolol culus ay hortaalo.
Wiilkan yar oo ka mid ah marka dhinac aad ka eegto mucjisooyinka Allaha Awooda leh ayaa la oran karaa waa mid u baahan kaalmo uu ka helo dhamaan dadka ka damqanaya dhibatada heysata, maadaama uu u baahan yahay xaanaano gaar ah iyo waliba ugu yaraan wax ka kaalmeeya gacmo la’aanta uu ku dhashay, gaar ahaan hooyadii ay waxaa ay sheegtay in aysan heyn Nolol ku filan wiilka yar oo Odaygii u dhaq-dhaqaaqi jirayna uu geeriyooday.
Xaaladda Cismaan ayaa la oran karaa waa mid wax iska badali karta, gaar ahaan haddii uu ku noolaan lahaa wadamada horay u maray oo kale, waxaa uu awoodaa in uu Maskaxiyan wax u barto, maadaama miirkiisu taam yahay sidoo kale waxaa uu ka qeyb-qaadan karaa nolosha caadiga ah ee dadka cuuryaamiinta ah ay ku nool yihiin, laakiin taas waxaa ay imaan kartaa oo kaliya marka Cismaan uu ka baxo nolosha hadda uu ku jiro oo ah mid dhib badan, ayna suurtagal aheyn in uu ku noolaado Qofka ceynkaas oo kale ah.
Maqaalkan HOL oo ah mid ujeedadiisu tahay soo bandhigidda Xaaladda uu ku jiro Cismaan ayaa dhanka kele waxaa Bar bar socda Kaalmo loo weydiinayo dhamaan dadka soomaaliyeed ee arka muuqaalka Cismaan si ay u taageeraan, isaga iyo waliba Hooyadiis Sucaado Salaad oo ah hooyo si weyn hada ugu dhabar adeygeysa xanaaneynta wiilkeeda yar oo aaney jirin cid ku kaalmeysa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online