13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Gaari uu lahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Itoobiya oo ay la wareegeen Ciidamada Maxkamadda Islaamiga Gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 18, 2006(HOL): Ciidamada Maxkamada Islaamiga Gobalka Hiiraan ayaa waxaa ay la wareegeen Gaari uu lahaa  Safiirka Dowlada Soomaaliya  u fadhiya Dalka Itoobiya C/kariin Faarax la qanyo oo  dhawaan wareysi  uu kaga hadlayo  sida uu u arko Siyaada Midowga Maxkamadaha siiyay Mid ka mid Idaacada ka howla-gala Magaalada Muqdisho.

 

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Maxkamada oo ay HOL wax ka weysiisay sababta keentay in lala wareego Gaariga Safiirka ayeey ka gaabsadeen Mas’uuliyiintu  iyaga oo sheegay oo kaliya in ay la soo wareegeen Gaariga,

 

Ilaa hadda majiro War Rasmi ah oo si faah faahsan uga hadlaya sababta keentay in xiligan Ciidamada Maxkamadu la wareegaan  Gaariga oo noociisu yahay   (Cabdi Bilaha) oo wixii ka horeeyay wareysiga uu bixiyay Safiirka  ku sugnaa Gudaha magaalada.

 

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Qabsashada gaarigan lala xiriirinayo  Waraysiga Safiirka oo sheegay in marka laga hadlayo Dowlada faderaalka iyo Midowga Maxkamadaha yihiin Wax jira iyo wax aan jirin oo kale, isaga oo ku tilmaamay  Maxkamaduhu in ay yihiin Jabhado hubeysan,

 

waxaana uu intaa ku daray C/kariin Faarax laqanyo in Dowlada Itoobiya ay la dirireyso Ciidamo Ajnabi ah  oo ay Maxkamaduhu soo hubeynayaan,   isagoo sidoo kalna sheegay in wixii hada ka danbeeya  Dowladu kotarooli doonto Diyaaradaha ka daga magaalada Muqdisho.

 

Dadka ku dhaqan Magaalada B/weyn ayaa siweyn u hadal haya Qabsashada Gaariga Safiirka, waxaana jira in dadku siyaabo kala duwan arintaa uga hadlayo, inkastoo  marka dhinac laga eego  aritani ay muujineyso Farqiga durugsan ee u dhaxeeya Xubnaha gacan saarka la leh Dowlada Federaalka iyo Midowga maxkamadaha.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).