13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Ra’iisal Wasaare Geedi oo maanta hor tegay Golaha Baarlamaanka si wax looga weydiiyo waxyaabihii ay Xukuumaddiisa qabatay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 18, 2006(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta wuxuu hor tegay Golaha Baarlamaanka, si wax looga weydiiyo waxyaabihii ay qabatay xukuumaddiisa mudadii seddexda bilood ahayd ee ay soo shaqeyneysay.

 

Kulan maanta ay xubnaha Baarlamaanka ku yeesheen ayaa waxaa uu ka dhacay Xarunta ADC-da, wuxuuna guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Baarlamaanka Md. Cusmaan Cilmi Boqorre sheegay in ay mudanayaasha kulanka ka qeybqaadanaya ay dhan yihiin 150 mudane.

 

Intaas kadib waxaa bilaabatay warbixintii uu Ra’iisal Wasaare Geedi u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka oo iyagu qaarkood aad u daneynayeen in ay ka jeclaan lahaayeen in Ra’iisal Wasaaraha uu u qudbeeyo in uu qoraal ahaan ugu soo gudbiyo waxqabadka Xukuumaddiisa, hayeeshee Xildhibaanada fikirkaasi qabay waxaa ka awood batay kuwii aqbalay in uu Ra’iisal Wasaaraha u guud maro waxqabadka Xukuumaddiisa.

 

Prof. Cali Maxamed Geedi waxaa uu sheegay in xukuumaddiisa mudadii seddexda bilood ahayd ee ay soo jirtay ay wax badan qabatay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay wax badan ka qabatay arrimaha dib u heshiisiinta, amniga, maamul u sameynta gobollada, sameynta Baasaboor cusub oo ay dadka Soomaaliyeed dhibaatadii dhinaca Baasaboorka uga bixi doonaan iyadoo uu sidoo kale dhawaan uu hawada soo geli doono Raadiye ku hadli doona afka Dowladda.

 

Markii uu qudbadiisa dhamaeystay Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa su’aalo weydiiyay Xildhibaano wax kala baxay Qudbaddiisa, waxaana wax laga weydiiyay halka ay ku dambeysay dib u heshiisiintii u dhaxeysay Dowladda iyo Maxkamaha iyo sababta ay maxkamadaha Islaamka u qabsadeen Magaalooyinka Buur-Hakaba iyo Diinsoor oo hoos taga gobolka Bay oo ay horay dowladda Maamul ugu sameysay.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu su’aalahaasi isaga difaacay in ay dowladda Federaalka mar walba dib u heshiisiin diyaar u ahayd, isla markaana markii ugu horeysay ay dowladda iyadu ogolaatay in ay la hadasho Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna caddeeyay in ay shirkii ugu horeeyay ee ay labada dhinac yeeshaan ay dowladda uga qeybgaleen Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo isaga, halka Maxkamadaha Islaamka uu sheegay in ay shirkaas u dirsadeen rag dhalinyaro ah.

 

Sababtii ay Maxkamadaha Islaamka u qabsadeen Degmooyinka Buur-Hakaba iyo Diinsoorna waxaa uu ku sheegay in ay la xiriirtay habacsanaan ka jirtay Dowladda dhexdeeda, wuxuuna carrabka ku dhejiyay in haatan arrintaas dhamaatay, dowladdana ay u soo jeesatay in ay difaacdo dalkeeda iyo dadkeeda.

 

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo inta badan Maxkamadaha Islaamka ku eedeynayay in ay xoog ku qabsanayaan dalka Soomaaliya ayaa wuxuu dhanka kale eedeyn u jeediyay dalalka Suudaan iyo Jabuuti, wuxuuna sheegay in uu madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir uu Ciidamo Afrikaan ah dalbanayo, hadana uu u diidayo Soomaaliya in ciidamo loo diro , halka Dowladda Jabuutina uu ku eedeeyay in ay dalkeeda joogaan ciidamo shisheeye oo dhinaca sugidda amniga ka caawiya, hadana ay ka soo horjeedo in Dalka Soomaaliya la geeyo Ciidamo Nabad ilaaliyayaal.

 

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu Ra’iisal Wasaaraha ka yahay Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa kadib markii tiradeeda la soo yareeyay, waxaa uu Golaha Baarlamaanka fasax u siiyay in ay muddo seddex bilood ah shaqeyso, kadibna ay waxqabadkeeda dib ugu soo celiso Baarlamaanka, iyadoo xiligaas wixii ka dambeeya uu Baarlamaanku go’aan ka qaadan doono.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).