13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Dad lagu soo qabtay Mukhaadaraad oo ku xiran Xabsiga Degmada Jilib

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 17, 2006(HOL): Dadkaan la sheegay in 48-kii saacadood ee ugu dambaysay lagu soo qab qabtay mukhaadaraadka noocyadiisa kala duwan oo ay tiradooda gaaraysoilaa 15 ruux ayaa dhamaantood la dhigay xabsiga degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe.

 

Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa la sii daayay kadib markii laga qaaday lacag ganaax ah oo gaaraysa laba boqol oo kun oo Shilin Soomaaali ah, sidoo kalena lagu dhuftay labaatan karbaash oo tacsiir ah sida uu u sheegay HOL  taliyaha ciidanka booliska ee degmada Jilib Cabaas Cumar Cabdi oo sheegay in ay wali xabsiga ku harsan yihiin ilaa iyo shan qof oo dakaasi ka mid ah kuwaasi oo aan bixin lacagtii ganaaxa ahayd.

 

Degmada Jilib oo ahayd meeshii ugu horeysay ee gobollada Jubbooyinka oo ay golaha Maxaakiimta Islaamiga gacanta ku dhigaan ayaa waxa ay ka mid tahay meelaha ay sida rasmiga ah uga dhaqangaleen awaamiirta ciidamada maxaakiimta islaamigu waxayna  degmada Jilib ka mid ahayd meelaha lagu beero Tubaakada, walow haatan aan la arkeynin meel ay ku beeran tahay Tubaako ama waxyaabo kale oo maanka dooriya.

 

Dhanka kale Cabbaas waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar laysla dhex marayo oo sheegaya in agagaarka degmada Jilib dad dhac loogu geystay isagoo sheegay in aaney wararkaasi waxba ka jirin balse uu jiray kaliya nin isku dayay in uu haweeney caag malab ah ka furto, kaasi oo ku hubeysnaa Toorey, hayeeshee ninkaas la aqoonsaday, dhawaana sharciga la hor keeni doono.

 

Xasan Xareed Axmed

kaafi75@hotmail.com

Kismayo, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).