13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Waaxda Dib u dhiska Maxkamadaha Islaamka oo amar ku siisay dadka dhistay hareeraha waddooyinka in ay isaga guuraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 17, 2006(HOL): Waaxda dib u dhiska Maxkamadaha Islaamka ayaa soo saartay amar ay ku fareyso dadka sandaqadaha iyo guryaha ka dhistay hareeraha waddooyinka in ay si dhaqsi ah uga guuraan.

 

Amarkan ayay ku sheegtay Waaxda dib u dhiska Maxkamadaha in uu yahay mid ay ku dooneyso in ay dib ugu soo celiso bilicda Magaalada, isla markaana ay yaraadaan ciriiriga ay dadka gaadiidka kala kulmaan marista waddooyinka ay dadka dhinacyada ka dhisteen.

 

Sayid Cumar Macallin Abshir oo ah ku xigeenka Waaxda dib u dhiska Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegay in amarka ay soo saareen uu isla maantaba dhaqangalkiisa bilaabanayo, isla markaana ciddii u hoggaansami weysa tallaabo laga qaadi doono.

 

Isla saakayba waxaa la arkayay dad u hoggaansamay amarkaas, kuwaasi oo fuqsanayay sandaqado ay ku dhisteen hareeraha waddooyinka. Horayna waxay Maxkamadaha Islaamka hareeraha waddooyinka uga qaadeen Kabarradii qaadka lagu iibin jiray kadib markii Muqdisho iyo deegaanada ay ka taliyaan Maxkamadaha Islaamka laga mamnuucay ka ganacsiga iyo cunista Qaadka.

 

Waaxda Dib u dhiska Maxkamadaha Islaamka ayaa magaalada Muqdisho waxay fuliyeen howlo ay dib ugu dayactireen waddooyin bur bursanaa 16-kii sano ee dalku uu nidaam la’aanta soo ahaa, sidoo kalena waxay dayactirtay Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo weli qudhooda ay dayactir weyn u baahan yihiin.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).