13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Qeyb ka mid ah Wafdigii Maxkamadaha Islaamka ee Yemen ku sugnaa oo Muqdisho dib ugu soo laabtay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 17, 2006(HOL): Waxaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah Wafdigii Maxkamadaha Islaamka ee beryahaan ku sugnaa Dalka Yemen, iyadoo xubnaha Maanta dalka dib ugu soo laabtayna ay ka mid ahaayeen Xoghayaha Guud ee Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuleey, Avv. Daahir Maxamuud Geelle iyo Shiikh Yuusuf Cali Ceynte.

 

Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuleey oo warfidiyeenada kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in ay u soo hormareen howlo aan looga maarmin oo ay qabanayaan iyadoo xubnaha kale ee wafdigana ay iyaguna ku maqan yihiin howlo shaqo, isla markaana ay dalka dib ugu soo laaban doonaan.

 

Shiikh Maxamuud waxaa uu sheegay in intii ay Yemen ku sugnaayeen ay dowladda Yemen ka wada hadleen sidii loo wanaajin lahaa xiriirka labada dal, isla markaana la isugu furi lahaa ganacsiga labada dal, wuxuuna intaas ku daray in ay dhawaan bilaaban doonaan duulimaadyo isaga kala gooshi doona dalalka Soomaaliya iyo Yemen.

 

Sidoo kalena waxaa uu sheegay in ay madaxda Yemen ka wada hadleen xaaladda Dalka Soomaaliya, gaar ahaana ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo galay, wuxuuna caddeeyay in ay Yemen la garatay in dalka Soomaaliya uu xaalad khatar ah ku jiro, isla markaana aan loo baahneyn in khatar kale loogu sii daro.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen Dr. Abu Bakar Al-Qurbi oo u waramayay Wakaaladda Wararka dalkiisa ee SABA ayaa sheegay in dowladda Yemen ay si weyn u daneyneyso in arrinta Soomaaliya lagu dhameeyo wada hadal iyo dib u heshiisiin.

 

Wafdiga Maxkamadaha Islaamka oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa ay Yemen ku kala saxiixdeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo isagu Maxkamadaha Islaamka horay heshiis ula gaaray, waxaana dib u saxiixidda heshiiska ay labada dhinac gaareen lagu fasiray taageero loo raadinayo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).