13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Xubno ka tirsan Ururka Suxufiyiinta NUSOJ oo Muqdisho lagu xiray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 17, 2006(HOL): Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) C/risaaq Shiikh Adduun ayaa shaaca ka qaaday in ay maanta xireen ciidamada Maxkamadaha Islaamka Xoghayaha guud ee Ururkaas Cumar Faaruuq Cusmaan iyo xubin kale oo Ururka ka tirsan oo uu ku magacaabay Cali Macallin.

 

C/risaaq Shiikh Adduun ma uusan faah faahin sababta keentay in la xiro Cumar Faaruuq, wuxuuse sheegay in iyagoo dhoofayay in ay dalka ka dhoofaan laga qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, isla markaana laga qaatay Dukumiintiyadii ay ku socdaali lahaayeen iyo Computer Laptop ah.

 

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) waxaa uu intaas ku daray in aysan ilaa iyo haatan war u heynin meel ay ciidamada Maxkamadaha la aadeen raggaas, isagoo carrabka ku dhuftay in ay arrintaas kala xiriireen Waaxda Warfaafinta Maxkamadaha Islaamka balse ay ka waayeen wax tafaasiil ah.

 

Dhanka kalena waxaa maanta xoriyaddiisa dib u helay oo xabsi uu ku jiray laga sii daayay Wariye C/casiis Maxamuud Guuleed Afrika oo maamul goboleedka Puntland ay xireen, iyadoo lagu eedeeyay in uu shaaciyay warar lid ku ah Maamulkaas oo ay is-hayaan Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya, wuxuuna C/risaaq Shiikh Adduun uu sheegay in wariyahaas la sii daayay kadib markii sida uu yiri ay cadaadis saareen maamulka Puntland.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).