13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Ra’iisal Wasaare Geedi oo Idaacadda BBC-da ku tilmaamay Hoggaamiye Kooxeedka kaliya ee u haray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 17, 2006(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa ku eedeeyay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga in ay tahay Hoggaamiye kooxeedkii ugu dambeeyay ee ay leedahay Dowladda Federaalka.

 

Isagoo u waramayay Idaacadda SIMBA ee magaalada Muqdisho ayuu Ra’iisal Wasaaraha eedeyntaas u jeediyay BBC-da, inkastoo markii dambe uu Warbaahinta Muqdisho iyana ku eedeeyay in ay indhaha ka qabsanayaan oo ay ka baqayaan in ay sheegayaan sida uu u yiri waxyaabaha ay Muqdisho ku hayaan Maxkamadaha Islaamka.

 

Maxkamadaha Islaamka ayuu sheegay Ra’iisal Wasaare Geedi in ay Hotellada Muqdisho ku hayaan rag Argagixiso ah oo Al-Qaacidda ka tirsan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay taasi xaqiiqo u hayaan. Prof. Geedi waxaa uu ku daray eedeynta uu u jeediyay Maxkamadaha Islaamka in aysan dooneyn nabad iyo dib u heshiisiin, wuxuuna meesha ka saaray in ay Maxkamadaha Islaamka wakiil ka yihiin Dadka Soomaaliyeed. “Dadka Soomaaliyeed waxaa wakiil ka ah Dowladda Federaalka”ayuuna yiri Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sidoo kale sheegay in Dowladda Suudaan ee martigelisay wada hadalladii ay horay u yeesheen Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka ay soo xirtay Wada hadalladii labada dhinac u socday, wuxuuna taasi ku sababeeyay in ay ka soo horjeesatay ciidamada loo dirayo Soomaaliya.

 

Dowladda Uganda ayuu sheegay in ay diyaar la tahay ciidamo ay u soo dirto Soomaaliya, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay warar horay u soo baxay oo sheegayay in Dowladda Uganda ay ka fiirsaneyso ciidamo ay u soo dirto Soomaaliya, “Shirkii Nairobi lagu soo gebagebeeyay ee ay lahaayeen Madaxda Wadamada leh Harooyinka waa weyn ayaan isla joognay Madaxweynaha Uganda, wuxuuna ii sheegay in ballanqaadkii ay bixiyeen ee ciidamo u dirista Soomaaliya uu sidiisii yahay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).