13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo baaris ku haya Qarax weyn oo xalay Muqdisho ka dhacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 16, 2006(HOL): Habeenkii xalay ahaa ayaa waxaa qarax aad u xooggan uu dhacay nawaaxiga Hotel Guuleed ee Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaasina uu ahaa mid laga maqlay xaafadaha Xamar badankood.

 

Qaraxaasi cidna waxba kuma noqon, wuxuuna ku qarxay meel jid carro ah oo aaney dad ka dhaweyn, walow Qaraxa oo xoogganaa uu dil-dilaaciyay guryihii ka ag-dhawaa.

 

Dadka ku dhaqan nawaaxiga halka uu qaraxu ka dhacay ayaa siyaabo kala duwan uga waramay Qaraxa, waxayna qaar ka mid ah dadkaas ay sheegeen in waxa qarxay la soo dhigay meesha ay ku qarxeen, halka kuwo kalena ay tuhmayaan in aan meesha la keenin balse ay horay ugu aasnaayeen.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Mas’uuliyiin u hadlay Waaxda Nabadgelyada Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegay in ay Qaraxaasi baaris ku hayaan, isla markaana ay saxaafadda hadal siin doonaan marka ay u soo dhamaato baarista u socota.

 

Dadka Muqdisho dagaal iyo Qarax ay maqlaan waxaa ugu dambeysay markii ay Muqdisho ka socdeen dagaalladii u dhaxeeyay Maxkamadaha Islaamka iyo Hoggaamiye Kooxeedyadii ay talada kala wareegeen, sidaas darteedna wuxuu Qaraxii xalay aad uga nixiyay Dadka Muqdisho, gaar ahaan kuwii maqlay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).