Sabti,
Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni Boqor) ayaa sheegay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu weligiisba dagaal ku dhawaaqi jiray, wuxuuna ku eedeeyay Madaxweynaha in uu isagu xiray Wada hadallada bacdamaa sida uu hadalka u dhigay uu dagaal ku dhawaaqay, isagoo intaas ku sii daray in haddii dagaal dhaco uu noqon doono mid lagu iloobo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali ayaa isaguna sheegay in Madaxweynaha uu fursad wada hadallo uu heysto in uusan dagaal dhicin, wuxuuna carrabka ku dhuftay haddii dagaal dhaco in ay waxa dagaalamaya oo is-arkaya ay noqon doonaan maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka.
Xildhibaan Axmed Maxamed Suleymaan Saleebaan oo ka hadlayay hadalkii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in madaxweynaha uusan hadalkaas ka fiirsan, wuxuuna ku tilmaamay in uu yahay kaligii dowlad iyo kaligii taliye aan dooneynin in ay nabad ka dhalato dalka Soomaaliya.
Xildhibaanadan oo si weyn uga soo horjeeda siyaasadaha Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyoRa’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa had iyo jeeraale waxay Muqdisho ku qabtaan shirar Jaraa’id oo ka dhan mas’uuliyiintaas, waxaana ugu dambeeyay shir ay ku soo bandhigeen Qariidad Soomaaliya lagu darayo Dalka Itoobiya, taasi oo ay sheegeen in ay ku heshiiyeen Xukuumadaha Soomaaliya iyo Itoobiya, iyagoo weliba sheegay in ay Qariidadaas ka heleen Xafiiska Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online