Jimco, December 15, 2006(HOL): Gudoomiyaha Guddiga fulinta maxkamadda Islaamiga gobalka Hiiraan Shiikh Faarax Macallin Max’uud, oo Xafiiskiisa kula hadlay Warfidyeenka ayaa markii ugu horeysa waxaa uu ka hadlay socdaalka baryahan uu ku joogay magaalada B/weyn Shiikh Aadan Xaashi Cayrow oo ka mid Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka.
Shiikh Faarax waxaa uu sheegay in isaga iyo Shiikh Aadan Cayrow kulan ay yeesheen ay kaga wada hadleen kaliya sidii la isaga kaashan lahaa Ammaanka Guud ee Gobolka oo sida uu sheegay Shiikh Faarax Macallin Xuduud dhaw la leh dowladda Itoobiya.
Waxaana uu intaas ku daray in Midowgu meel kasta oo uu joogo si buuxada uga wada shaqeynayo Difaaca Dalka iyo Diinta Islaamka oo sida uu hadlka u dhigay cadaw faro badan ku soo fool lee yahay.
Laakiin waxaa uu Guddoomiyuhu gaashaanka u daruuray in sababta ugu weyn ee Shiikh Aadan Cayrow uu u yimid Gobolka ay tahay in uu helo ciidamo lagu weeraro Degmada Tiyeeglow oo ka tirsan Gobalka Bakool, balse waxaa uu qiray in ay jiraan Ciidamo hadda diyaar u ah in ay ka qeyb qaataan duullaan kasta oo looga hortegayo damaca wax uu ku tilmaamay Tigreega.
Dhanka kale Shiikh Faarax waxaa uu si xun u weeraray Dowladda Itoobiya, waxaana uu sheegay in arrinta dowlada Itoobiya waxa lagu xalin karo ay tahay uun sida uu yiri dagaal lagu qaado, isagoo dhanka kalena ku tilmaamay Golaha ammaanka in uu yahay gole u tashaday uun sidii loo rajo iyo Iftiinba tiri lahaa Shacabka Soomaaliyeed oo hadda dareemaya rajo nololeed.
Mar uu soo hadal qaaday sidoo kale Shiikh Faarax khilaaf sida la sheegay u dhaxeeya Xubnaha sar sare ee Maxkamadda Islaamiga Gobolka Hiiraan waxaa uu sheegay in uu jiro laakiin dhawaan uu filayo in arintaas la soo af-jaro.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Socdaalka Magaalada B/weyn uu ku jooga Shiikh Aadan Cayrow ayaa siyaabo kala duwan dadku uga hadlayaan, inkastoo aan si rasmi ah loo ogaan karin ujeedada dhabta ah ee socdaalka marka laga soo tago sida ay u fasirayaan mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadda Islaamiga Gobolka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
Beledweyn, Somalia