13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Waaxda Wacyigelinta Maxkamadaha Islaamka oo Masjidyada Muqdisho u qeybisay Qudbada lagu aqriyo Salaadda Jimcaha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, December 15, 2006(HOL): Waaxda Wacyigelinta Maxkamadaha Islaamka ayaa maalintii shalay ahayd waxay u qeybisay qudbooyinkii ay masjidyada ka aqrin lahaayeen Khadiibyada ilaa 50 Masjid oo Muqdisho ku yaala.

 

Masjid Shiikh Cali Suufi ee Degmada Hodan oo ay Khadiibyadaas isugu tageen ayaa loogu sheegay in looga baahan yahay in ay Qudbooyinka Salaadda Jimcaha ku soo qaataan hadba marxaladda ay dadku marayaan, isla markaana aysan Jimco kasta aqrin Kutub qudbooyinka laga aqrin jiray muddo 500 oo sano dhan.

 

Shiikh Maxamed Barrow Maxamuud oo madax ka ah Waaxda Wacyigelinta Maxkamadaha islaamka ayaa sheegay in maalin kasta oo Khamiis ah la soo diyaarin doono Khadiibyada aan Qudbooyinka diyaarsan karin Qudbooyinkii ay Maalinta Jimcaha aqrin lahaayeen, wuxuuna caddeeyay in aysan jirin cid lagu qasbayo Qudbada ay aqrineyso.

 

Masjidyada Muqdisho ku yaala ayaa intooda badan waxaa beryahan laga bilaabay in Qudbooyinka Jimcaha laga aqriyo laga dhigo kuwo la socda marxaladda la taagan yahay, waxaana inta badan loogu sheegaa dadka in ay ka qeybqaataan difaaca dalka oo cadaw uu ku soo duulayo.

 

Jimcadii hore ayaa Magaalooyinka Boosaaso iyo Laas-Caanood waxaa ka oogantay xiisad ka dhalatay amar uu maamulka Puntland ku soo rogay qudbooyinka Masjidyada laga aqriyo, iyadoo Khadiibyada Masjidyadana loo sheegay in ay Qudbooyinkooda soo marsiiyaan Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Puntland oo faaf reeb ku sameyneysa. Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Puntland waxay sheegtay in sababta ay amarkaas u soo saartay ay ahayd iyadoo Masjidyada qaarkood laga bilaabay qubdooyin dadka Jihaad loogu baaqayo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).