13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Mareykanka oo mar kale ku celiyay in loo soo gacan geliyo Argagixiso ku dhuumaneysa Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, December 15, 2006(HOL): Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Jendayi Fraizer ayaa sheegtay in hoggaanka Maxkamadaha Islaamka qaarkood ay ku jiraan liiska argagixisada ee Mareykanka iyo UN-ka ay horay u soo saareen, inkastoo ay xustay in ay Maxkamadaha Islaamka Nabadgelyo ku soo dabaaleen dhul badan oo ay haatan ka taliyaan.

 

Jendayi Fraizer oo wariyayaal kula hadleysay Washington waxay  sheegtay in uusan qorshaha ugu jirin in ay ciidamo Mareykan ah mar kale u diraan  dalka Soomaaliya, waxayna markaasi ka jawaabcelineysay su’aal ahayd sababta uu Mareykanka cudud mileteri ugu dayi la’ yahay dalka Soomaaliya oo ay sheegtay in ay ku sugan yihiin rag argagixiso ah oo dembi ka galay.

 

Jendayi Fraizer oo wax laga weydiiyay sababta ay Itoobiya uga dhaadhicin la’ yihiin in ay ciidamadeeda kala baxdo dalka Soomaaliya, si aysan marmarsiyo uga dhigan Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegay In maxkamadaha Islaamka ay shuruud ku xirayaan in ay wada hadallo la galaan Dowladda Federaalka xitaa haddii meesha laga saaro ciidamada Itoobiya, waxayna carrabka ku dhejisay  in ay taasi bedelkeeda doonayaan Maxkamadaha Islaamka in ay awood meleteri wax ku qabsadaan, isna sii ballaariyaan.

 

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Jendayi Fraizer waxay sheegtay in hadafkooda ugu dambeeya ee ay Soomaaliya ka leeyihiin ay tahay in Axdiga KMG ah ee u yaala Hay’adaha Dastuuriga ah ee Soomaaliya uu sii ahaado midka lagu saleynayo qaabka guud ee Soomaaliya lagu xakumayo iyo hadaf kale oo ay sheegtay in ay ku doonayaan in loo soo gacan geliyo rag argagixiso ah oo Soomaaliya ku dhuumanaya, kuwaasi oo ka dambeeyay qaraxyo loo geystay Safaarado uu Mareykanku lahaa dalalka Kenya iyo Tanzania, kuwaasi oo ay magacyadooda ku kala sheegtay Haruun Fazul, Daha Al-Suudaani iyo Saalax Nabil.

 

Hayeeshee Mas’uuliyiin u hadlay maxkamadaha Islaamka ayaa hadalka ka soo yeeray Jendayi Fraizer waxay ku tilmaameen mid aan waxba ka jirin, isla markaana aysan Soomaaliya joogin rag argagixiso ah.

 

Xoghayaha Warfaafinta Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Cali Muudeey ayaa sheegay in ay Mareykanka dhowr jeer ku casuumeen in ay dad u soo dirsadaan dalka Soomaaliya, si meesha looga saaro warka ay sheegayaan ee ah in ay Soomaaliya argagixiso joogto balse sida uu u yiri uusan Mareykanku dooneyn in uu xaqiiqda ogaado. C/raxiin Cali Muudey waxaa uu sheegay in ay hadalkaas u fasiranayaan marmarsiyadii lagu galay dalka Ciraaq ee ahayd in ay Hub Nukliyeer ah heysato.

 

Sidoo kalena, waxaa uu ka hadlay C/raxiin Cali Muudeey ujeedada uu Mareykanka ka leeyahay Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay tahay sidii Soomaaliya loogu dhaqi lahaa Dimoqraadiyad iyo wax aysan dadka Soomaaliyeed aqoonin, “Caruurteena ma yaqaanaan waxa ay tahay Dimoqraadiyad, laakin wey yaqaanaan 114-ka Qur’aanka sidaas darteed ma dooneyno Dimoqraadiyad ee waxaan rabnaa in aan ku dhaqanno  Kitaabka Alle”ayuu yiri C/raxiin Cali Muudeey.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).