13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Golaha Abwaaniinta Islaamiga Soomaaliyeed oo maanta Muqdisho looga dhawaaqay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, December 15, 2006(HOL): Waxaa maanta Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Gole ay ku mideysan yihiin Abwaaniin Soomaaliyeed oo aad ugu dhow Maxkamadaha Islaamka, isla markaana ka soo qeybqaatay abaabulkii Muqdisho looga saaray Hoggaamiye Kooxeedyadii horay ugu sugnaa.

 

Xaflad looga dhawaaqayay Golahan oo ay ku mideysan yihiin ilaa 300 oo Abwaan  ayaa waxaa lagu qabtay Hotelka Naasa-Hablood ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo iyagu Abwaannada hoggaanka sameystay kula dardaarmay in ay mar kale ka qeybqaataan jihaadka lala gelayo Dowladda Itoobiya, isla markaana ay dadka wacyigeliyaan.

 

Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle ayaa Golahan Guddoomiye looga dhigay, waxaana ku xigeenkiisa  loo doortay Abwaan Taakow Macallin Ciise, halka Afhayeen-na looga dhigay Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure.

 

Abwaan Taakow oo ah Guddoomiye ku xigeenka Golahan ayaa sheegay in sababaha loo aas aasay ay ahayd in ay difaaca dalka kaalin ka qaataan, bacdamaa ay curiyaan suugaan wax lagu dhisi karo ama duwmin karta.

 

Xoghayaha Ariimaha Bulshada iyo Xiriirka Gobollada Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/llaahi Fanax ayaa kula dardaarmay Abwaanadii hoggaanka sameystay in ay qeyb lixaad leh ka qaataan difaaca dalka, sidii ay horayba uga soo qaataan markii lala dirirayay Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho isaga cararay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Abwaannadan ayaa intooda badan waxaa lagu arki jiray fagaarayaasha ay isugu yimaadaan Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka, gaar ahaana kuwa banaanbaxyada lagu qabto, halkaasi oo ay ka jeedin jireen tixo gabayo ama guurow ah oo ay ku taageerayaan Maxkamadaha Islaamka, isla markaana ay ku cambaareynayaan wixii ka soo horjeeda oo dhan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).