12.1 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Midowga Afrika oo ku baaqay in ciidamo nabadeed lagu taageero Dowladda Federaalka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, December 14, 2006(HOL): Wadamo badan oo ka socda dalalka leh Harooyinka waa weyn ee Afrika oo shir labo maalmood socon doona uu uga furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxay soo hadal qaadeen arrimaha Soomaaliya iyo in ciidamo nabad ilaaliyayaal ah lagu taageero Dowladda Federaalka, iyadoo shirkaasna ay Dowladda Federaalka uga qeybgaleen Ra’iisal Wasaare Geedi iyo Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo Arrimaha Dibadda u qaabilsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

Asbuuc ka horna Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in ciidamo nabad ilaaliyayaal ah loo diro dalka Soomaaliya, si ay u caawiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, walow go’aanka ka soo baxay Golaha Ammaanka ay ka soo horjeesteen Golaha Maxkamadaha Islaamka oo mas’uuliyiintooda sare ay sheegeen in ay Jihaad kala hortegi doonaan haddii ciidamo shisheeye loo diro dalka Soomaaliya.

 

Shirka  madaxda Afrika uga furmay Magaalada Nairobi waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Midowga Afrika Alpha Omer Konnare, kaasi oo shirka ka sheegay in la dayacay dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhismaheeda muddo labo sano iyo dheeraad ah loo fadhiyay dalka Kenya, wuxuuna intaas ku daray in sidii loo dhisay dowladdaas aan la daba gelin.

 

Alpha Omer Konnare waxaa uu ku eedeeyay madaxdii Afrika ee kulanka ka qeybgashay in aaney taageerin dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay indhaha uun ka daawanayeen, wuxuuna ka digay in haddii sida ay tahay lagu sii eegto Soomaaliya oo aan la taageerin dowladda Federaalka ay taasi keeni doonto in ay dalka Soomaaliya ka dhashaan Jamhuuriyado Islaami ah.

 

Ilaa iyo haatan waxaa mowqifkeeda caddeysay oo sheegtay in ay ciidamo ku taageereyso dowladda Federaalka dowladda Uganda oo madaxweynaheeda Yoweri Mosaveni uu shirkii maanta fadhiyay, isagoo soo jeediyay in ay dalalka Afrika kaalin ka qaataan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya oo markaasina aan loo kala taageeri lahayn dhinacyada isku haya.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo fariisinkeedu uu yahay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa aad ugu sii siqaya Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka oo iyagu doonaya in ay Dowladda Federaalka ka kacsadaan Magaalada Baydhabo, iyagoo ku eedeynaya in ay dalka soo gelisay Ciidamo Itoobiyaan ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).