12.1 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Madaxweynaha Yemen oo sheegay in ay dowladdiisa diyaar u tahay gacan siinta Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, December 14,2006(HOL): Madaxweynaha Dowladda Yemen Cali Cabdalla Saalax oo kulan kula yeeshay magaalada Cadan ee dalka dalkaasi Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay gacan siiso Soomaaliya.

Cali Cabdalla Saalax waxaa uu u xaqiijiyay Mas’uuliyiintii Maxkamadaha ee uu la kulmay in aysan dowladdiisa kala xigsaneynin dhinacyada isku haya Dalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay Yemen dan ugu jirto nabad ka dhalata dalka Soomaaliya, si ay dan ugu jirto dalalka kale ee Gobolka.

Shiikh Shariif oo hoggaaminayay Wafdiga Maxkamadaha ayaa isaguna waxaa uu uga warbixiyay Madaxweynaha Yemen howlaha Maxkamadaha Islaamka ay ka qabteen deegaano badan oo ku yaala Soomaaliya, iyadoo taasina uu Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax ku amaanay Maxkamdaha Islaamka.

Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax oo si weyn u daneynaya in uu wada hadallo ka dhex furo dhinacyada Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka ayaa waxaa uu sheegay in ay Dowladda Yemen xooggeeda isugu geyn doonto sidii Soomaaliya ay u heli lahayd nabadgelyo iyo xasilooni.

Ugu dambeyntiina waxay labada dhinaca ka wada hadleen xiriirka labada dal ka dhaxeeya oo mid taariikhi ah lagu tilmaamay, iyadoo kulamadii dhexmaray Wafdiga Maxkamadaha iyo Madaxweynaha Yemen-na uu ku soo dhamaaday jawi is-afgarad leh.

Wafdiga ka socday Maxkamadaha Islaamka oo shalay diyaar khaas ah ay ka qaaday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa magaalada Cadan ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen Dr. Al-Qureybi iyo Duqa Magaaladaas Axmed Alkhowlaani.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).