Arbaco, December 13, 2006(HOL): Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay deegaanka Ufurow ee gobolka Bay, iyadoo la sheegay in ay halkaas ku tageen ciidamada Maxkamadaha dalab uga yimid dadka deegaanka.
Shiikh Maxamed Axmed Macallin Xuseen oo ka mid ah Culumaa’udiinka Deegaanka Ufurow ayaa sheegay in ciidamada Maxkamadaha Islaamka ay u yeerteen, isla markaana ay dadka deegaankaas goosteen in ay isku dhaqaan Shareecada Islaamka.
Shiikh Maxamed waxaa kale oo uu sheegay in dadka Deegaanka Ufurow ay yihiin kuwii ugu horeeyay oo Maxkamad Islaami ah sameysta iyadoo aaney cidna ku qasbin, wuxuuna soo dhaweeyay dadaallada ay Maxkamadaha Islaamka ku doonayaan in guud ahaan dalka Soomaaliya lagu dhaqo Shareecada Islaamka.
Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay u muuqdaan kuwo si aayar-aayar ah ula wareegaya gacan ku heynta deegaanada
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online