12.1 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Beeraleyda inta u dhaxeysa Degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo deeq gaarsiiyay dad ku dhibaateysan Tuulooyin hoos yimaada Degmada Balcad

- Advertisement -spot_imgspot_img


Arbaco, December 13, 2006(HOL): Beeraleyda Beeraha ku leh inta u dhaxeyso Degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose ayaa maanta waxay deeq raashin iyo qudaar ah gaarsiiyeen dad ay waxyeello ka soo gaartay Fatahaadda Webiga Shabeelle, kuwaasi oo ku sugan Tuulooyin hoos yimaada Degmada Balcad.

 

Beeraleydan oo loo yaqaano A & B (Afgooye iyo Balcad) ayaa waxay gaarsiiyeen dadkaas deeq raashin ah oo tankeedu dhamaa 25tan oo isugu jirtay Galleey, Bariis, Timir, Sokor, Saliid iyo Moos ay beerahooda ka soo gooyeen, waxayna ugu talagaleen in ay ku kaalmeeyaan dadka ay dhibaatada ka soo gaartay Fatahaadda Webiga Shabeelle.

 

Deeqdaas oo ku rarneyd ilaa shan gaari oo nooca xamuulka ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka qaaday Guddiga Beeraleyda inta u dhaxeysa Degmooyinka Afgooye iyo Balcad, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Mire Indha-yare, Xasan Barqadle, Avv. Xasan Dhimbil Warsame, Xaaji Naasir Cali Axmed, Axmed Warsame Qeyliye, Axmed Cilmi Warsame, Xaaji Axmed Huu iyo C/llaahi Islow, waxaana deeqdii ay wadeen ka guddoomay Maamulka Degmada Balcad oo ay horkacayeen Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamiga ah ee Degmada Balcad Shiikh Cali Cadaawe Maxamed (Shiikh Fanax) iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Balcad Abuukar Aadan Codeey, kuwaasi oo uga mahadceliyay guddiga Beeraleyda deeqda ay soo gaarsiiyeen dadka ku dhibaateysan Tuulooyinka hoos yimaada Degmada Balcad.

 

Munaasabaddii lagu wareejinayay Deeqdaas oo lagu qabtay Xarunta Isboortiga Degmada Balcad ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Beeraleda Mire Indha-yare oo sheegay in safarkoodu uu ku saabsanaa sidii ay deeq u gaarsiin lahaayeen dadka ku dhibaateysan tuulooyinka hoos yimaada Degmada Balcad, kuwaasi oo beerahoodii iyo guryahoodi ay waxyeeleen biyo ka yimid Webiga Shabeelle, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay si weyn ugu faraxsan yihiin in ay la kulmaan Maamulka Degmada Balcad , isagoo weliba ka tacsiyeeyay dib u dhaca  ku yimid deeqda ay soo gaarsiiyeen oo laga rabay in ay mar hore soo gaarsiiyaan.

 

Mire Indha-yare wuxuu intaas ku daray in sababta ay ula soo dib dhaceen kaalmada ay ahayd iyadoo xilli roobaad lagu jiray, isla markaana ay waddooyinka biyo xireen, wuxuuna caddeeyay in deeqda ay soo gaarsiiyeen Degmada Balcad ay ka keeneen Degmada Afgooye, in ay Balcad soo gaarsiiyaan-na ay danta ku kaliftay in ay Xamar ka soo wareejiyaan.

 

Guddoomiye ku xigeenka Beeraleyda A&B Xasan Barqadle ayaa isaguna ka hadlay munaasabaddii deeqda lagu wareejinayay, wuxuuna sheegay in dhibaatooyinka Umadda Soomaaliyeed ku dhacay ee dhinaca beeraha la xiriirta ay ahayd mid ay dadka isku si u saameysay, haddii ay ahaan lahaayeen beero ku yaala gobolka Shabeelaha Dhexe iyo kan Shabeelaha Hoose.

 

Xasan Barqadle waxaa uu intaas ku daray in haddii ay Beeraley ay yihiin ay xoogga saareen in ay dadka Soomaaliyeed ka maarmaan in loo keeno deeq dibadda looga keeno, wuxuuna caddeeyay in ay haatan dadka Soomaaliyeed ka maarmi karaan in dibadda raashin looga keeno, taasina ay suurtageliyeen Beeraleyda Soomaaliyeed.

 

Avv. Xasan Dhimbil Warsame oo Beeraleyda ka mid ah ayaa isaguna ka hadlay munaasabadda wuxuuna sheegay in ay deeqda ay u keeneen reer Balcad ay tahay mid ay uga qeyb qaadanayaan gurmadka loo sameynayo dadka ay waxyeellada ka soo gaartay Fatahaadaha Webiyada, wuxuuna rajeeyay in ay deeqdaas dadka  loogu talagalay ay wax u tari doonto.

 

Intaas kadib waxaa munaasabadda ka hadlay Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamka Degmada Balcad Shiikh Cali Cadaawe Maxamuud (Shiikh Fanax), wuxuuna sheegay in dadka Muslimiinta ah ay yihiin kuwo mar kasta isu gurmada oo aad isugu xiran, wuxuuna u mahadceliyay Ururka Beeraleyda Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose, Allaah ayuuna uga baryay in uu sadaqada ay la baxeen uu bedelkeed siiyo, “sida uu Allaah yiri qofkii hal qof nooleeya wuxuu la mid yahay isagoo dadka dhamaantood nooleeyay”ayuu yiri Shiikh Cali Cadaawe oo ballanqaaday in deeqdaas la gaarsiin doono dad ku dhaqan Tuulooyin hoos yimaada Degmada Balcad, kuwaasi oo uu si daran ugu fatahay Webiga Shabeelle.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia


Halkan ka Daawo Sawirro laga soo qaaday Fatahaadda Webiga Shabeelle uu ka geystay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).