12.1 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo muddo todobo maalmood ah u qabtay Ciidamada Itoobiya in ay dalka Soomaaliya uga baxaan

- Advertisement -spot_imgspot_img


Talaado, December 12, 2006(HOL): Golaha Maxkamadaha Islaamka ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho ayaa maanta daboolka ka qaaday in ay muddo todobaad ah u qabteen ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan dalka Soomaaliya in ay dib ugu laabtaan xuduudahooda.

 

Madaxa Ammaanka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo shir jaraa’id ku qabtay Xaruntii Nabad-sugidda ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in haddii ciidamada Itoobiyaanka ah ay mudadaas uga bixi waayaan dalka Soomaaliya ay weerari doonaan.

 

Shiikh Yuusuf Indha Cadde waxaa uu intaas ku daray in ay ciidamo Itoobiyaan oo 30 kun ka badan ay dalka Soomaaliya ku sugan yihiin, gaar ahaana Gaalkacyo, Gelinsoor, Sariiraale, Xudur, Labaatan jirow, Baydhabo, Luuq, Doolow, iyo Beled-Xaaow, wuxuuna carabka ku dhejiyay in ay ciidamada Itoobiya 350km gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya.

 

Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay Shiikh Yuusuf Indha Cadde in ay Dowladda Itoobiya ka dhaadhiciso in ay ciidamadeeda kala baxdo dalka Soomaaliya, wuxuuna ka digay dagaal ka dhex qarxa Itoobiya iyo Soomaaliya, kaasi oo haddii uu qarxo uu carrabka ku dhuftay in uusan ku ekaan doonin labada dal oo kaliya balse uu camimi doono sida uu hadalka u yiri dhamaan gobolka iyo  Caalamka intiisa kale.

 

Madaxa Ammaanka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Yuusuf Indha Cadde oo markii uu hadlayay uu dhinac fadhiyay ku xigeenkiisa Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa waxaa kale oo uu baaq u diray Dowladda Kenya oo uu ka codsaday in aysan u ogolaanin in gudaha dalkeeda laga soo weeraro Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka, isagoo caddeeyay in ciidamo Itoobiyaan ah ay haatan ku sugan yihiin deegaanka Mooyaale, kuwaasi oo tiradoodu gaareyso 1500 oo askari oo ku hubeysan dhowr iyo labaatan gaari oo kuwa dagaalka ah.

 

Hayeeshee hadalkan ka soo yeeray Maxkamadaha Islaamka ayaa waxaa ka jawaabay Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo sheegay in sida uu u yiri Indha Cadde uu hadalkaas digniinta ah u jeediyay Dowladda Federaalka oo uu u yaqaano Itoobiyaan, isla markaana ay dhowr jeer caddeeyeen in aysan ciidamo Itoobiyaan ah joogin gudaha Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay aamisan yihiin in uu Indha Cadde u hadlay argagixisada Caalamiga ah.

 

Salaad Cali Jeelle waxaa uu sheegay in ay maanta Maxkamadaha Islaamka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ay ka soo dejiyeen Ciidamo Ajnabi ah, kuwaasi oo loo dhaqaajiyay dhinaca Magaalada Buur-Hakaba oo fariisinka Dowladda Federaalka u jirta 60km, walow hadalkaasi uu yahay mid aan weli xaqiiqo rasmi ah loo heynin.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis),Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).