12.1 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Dowladda Federaalka oo Maxkamadaha Islaamka ku eedeysay in ay isku balllaarinayaan deegaano ay ka taliso

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 11, 2006(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliyaa ayaa warsaxaafadeed ay maanta soo saartay waxay ku eedeysay Maxkamadaha Islaamka oo sheegtay in ay isku ballaarinayaan deegaanada ay ka taliso, iyadoo taasina ay ku tilmaantay mid ay ku sii hurineyso xiisadda ka dhex taagan labada dhinac.

 

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/qaadir oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Maxkamadaha Islaamka ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan deegaano ka tirsan degmooyinka Buur-hakaba oo Baydhabo 60km dhinaca bari kaga toosan iyo deegaano kale oo hoos yimaada degmada Diinsoor oo dhinaca Koofureed 120km Baydhabo kaga beegan.

 

Afhayeenka waxaa uu intaas ku daray in ay  Maxkamadaha Islaamka deegaanadaas soo geliyeen dagaalyahanno ajnabi ah, isagoo dhinaca kalena sheegay in ay Maxakamadaha Islaamka taageero mileteri ka helaan dowladda Eretereya.

 

“Waxaa intaas dheer aragtida Dowladda ee ku aadan weerarrada ay Maxkamadaha ku soo qaadeen degmada Diinsoor oo ka mid ah deegaanada dowladdu maamusho, taasina waa isku day cad oo muujinaya is-ballaarinta ay Maxkamadaha Islaamka ee ku wajahan gobollada dowladda maamusho ee Bay, Bakool iyo Gedo”ayuu yiri Maxamed C/qaadir oo sheegay in ay Maxkamadaha Islaamka intaas hagayaan sida uu hadalka u dhigay jihaadiistayaal Ajnabi ah iyo dad qalalaase doon ah oo ka yimid dalka dibaddiisa.

 

Dowladda Federaalka ayaa had iyo jeeraale waxay Maxkamadaha Islaamka ku eedeysaa in ay isballaarin wadaan, isla markaana ay dalka Soomaaliya soo geliyeen dagaalyahanno ajnabi ah, walow ay eedeyntaas Maxkamadaha Islaamka iyaguna mar kasta beeniyaan.

 

Dowladda Federaalka oo fariisinkeedu uu yahay Magaalada Baydhabo iyo Maxkamadaha Islaamka oo la wareegay gacan ku heynta inta badan gobollada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa dhex taala xiisad colaadeed oo aad u daran, waxayna ciidamo labada dhinac ka amar qaata dhawaan ku dagaalameen deegaano hoos yimaada degmada Diinsoor ee gobolka Bay, iyadoo labada dhinacna uu midba kan kale ku eedeeyay in uu dagaalka ku soo qaaday.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis),Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).