Isniin, December 11, 2006(HOL): Xoghayaha Waaxda Dib u dhiska Maxkamadaha Islaamka Inj. Cumar Maxamuud Af-dooje oo maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay kadib markii uu booqashooyin ku soo kala bixiyay Dalalka Imaaraadka Carabta, Ingiriiska, Talyaaniga iyo Norway ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in dhawaan ay dalka Soomaaliya soo gaari doonaan qalab fududeynaya dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Inj. Cumar Af-dooje oo warfidiyeenada kula hadlayay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in dalalkii ay socdaalka ku tageen ay kula kulmeen shirkado qaabilsan dhinaca dib u dhiska, kuwaasi oo u soo sameeyay ballanqaadyo ah in ay kala qeybqaadanayaan dib u dhiska dalka Soomaaliya, gaar ahaana Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo haatan howl bilaabay iyadoo aaney dhameystirneyn agabyada ay u baahan yihiin.
Sidoo kalena wuxuu sheegay Xoghayaha Waaxda Dib u dhiska Maxkamadaha Islaamka in ay la soo kulmeen Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan dalalkii ay booqdeen, kuwaasi oo ay ka soo heleen kaalmooyinka ay ku garab gelayaan howlaha ay Maxkamadaha Islaamka ka wadaan Dalka Soomaaliya, isagoo carrabka ku dhuftay in Jaaliyaduhu ay mar kasta la socdaan waxyaabaha ka socda dalka Soomaaliya.
Waaxda Dib u dhiska Maxkamadaha Islaamka ayaa tan iyo markii la magacaabay waxay qabatay howlo baaxad leh oo dhinaca dib u dhiska ah, waxayna ka qeybqaadatay dib u howlgelinta Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo sidoo kalena ay xusid mudan tahay in ay dayactir ku sameysay waddooyin aad u bur bursanaa oo Muqdisho ku yaala, kuwaasi oo maamulladii Hoggaamiye Kooxeedyada ee Muqdisho soo maray ay ku guuleysan waayeen in ay dhisaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis),Hiiraan Online