12.1 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Ciidamada Maxkamadda Islaamiga Gobolka Hiiraan oo gubay Qaadkii ugu badnaa tan iyo markii la mamnuucay

- Advertisement -spot_imgspot_img


Isniin, December 11, 2006(HOL): Tan iyo markii laga mamnuucay gudaha magaalada B/weyn ka ganacsiga iyo cunista Qaadka, ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ciidamadu gacanta ku dhigeen ilaa 12 jawaan oo Qaad ah kaasoo u rarnaa qaar ka mid ah Ganacsatada Qaadka.

 

Sida uu sheegay Taliye xigeenka Nabad-gelyada  Shiikh Xasan Al-Riyaan  Qaadka oo la qabtay xili Habeennimo ah ayay ganacsatadu doonayeen in ay si dhuumaaleysi ah ku soo galiyaan Gudaha magaalada oo maalmihii aynu soo dhaafay qaab suuq madow ah looga ganacsanayay,

 

Gubista Qaadkan oo ka dhacday Gudaha Saldhiga Booliska ee Magaalada B/weyn isla markaana ay ka soo qeyb-galeen Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada, ayaa mas’uuliyiintii ka hadashay waxaa ay sheegeen in Tallaabo cad oo ku dasho mudan ay u tahay Dadka wali u sii hanqal taagaya sida ay hadalka u dhigeen ka ganacsigiisa, iyagoo intaas ku daray in mar walba sidan oo kale u gubi doonaan loogana baahan yahay ganacsatadu in aysan maalkooda ku qasaarin.

 

Gaarigii siday Qaadkan oo sidoo kale la keenay gudaha saldhiga Booliska ayeey mas’uuliyiintu ii sheegeen in la ganaaxay lacag dhan ilaa 7,000,000 oo Sh. So,  taasoo noqoneysa mid ku adag inta badan gadiidka sida dhuumaaleysiga ah ku soo galiya Qaadka gudaha magaalada,

 

Maalmihii aynu soo dhaafay ayeey ciidamada Nabad-galyadu waxay si weyn ugu Jahwareersanayeen la socoshada dhaq-dhaqaaqa Qaadka oo markii la mamnuucay kadib lagu arkayay gudaha magaalada iyada oo aan la ogeyn sida lagu soo galiyo,

 

Laakiin Tallaabada hadda ay qaadeen ciidamada maxkamadda cabsi weyn ku abuuri karta in badan Ganacsatada iyo Xitaa gadiidka loo adeegsato  keenista Qaadka, Maadaama ganaaxa laga qaadayo Gadiidka keena Qaadka uusan aheyn mid aan yareyn.

 

Balse marka aad arita dhanka kale ka eegto dadka Cuna iyo kuwa Ka ganacsada ayaa ah kuwo mar walba ay ka go’an tahay  in ay soo galiyaan gudaha magaalada  Qaadka si kastoo ay ahaataba, waxaana marka aad u kuurgasho arinta iyada ah kuu muuqnaya in wali xaalku si diisii hore yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).