12.1 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Dad laga bara-kiciyay agagaarka Xarunta Madaxweyne C/llaahi ee Magaalada Baydhabo oo dhibaato nololeed ay soo wajahday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 11, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in ay xaalad nololeed oo aad u adag ay soo wajahday dad laga barakiciyay agagaarka Xarunta uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka degan yahay Magaalada Baydhabo.

 

Dadkan oo tiradooda lagu sheegay ilaa 200 oo Qoys ayaa haatan waxay ku nool yihiin nawaaxiga Xarunta Baarlamaanka ee ADC-da, iyadoo halkaasina ay ku heysato xaalad nololeed oo aad u adag, tiiyoo ay u sii dheer yihiin roobab xooggan ku dul da’aya.

 

Sababta loo barakiciyay dadkaasi ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto sugidda ammaanka Xarunta Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ee Magaalada Baydhabo oo tan iyo markii bishii September qaraxa lala beegsaday Kolonyo uu la socday Madaxweynaha amaankeeda si aad ah loo adkeeyay.

 

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa la sheegay in uu dadkaasi u geeyay xoogaa bacaha roobka laga galo ah oo aan ku filneyn, wuxuuna Xildhibaanku ka codsaday Hay’adaha gargaarka iyo cid kasta oo dadkaas kaalmeyn karta in ay u gurmato.

 

Magaalada Baydhabo oo gacan ku heynteeda ay ku dagaalami jireen Hoggaamiye Kooxeedyada Digil iyo Mirifle ee kala ah Col. Shaati-gaduud, Xaabsade iyo Shiikh Aadan Madoobe ayaa haatan waxay u muuqataa mid ay Hoggaamiyayaashaas marti ka yihiin, waxaana gacan ku heynta magaalada la wareegay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah oo la sheego inay taageerayaan Dowladda Federaalka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).