Isniin, December 11, 2006(HOL): Xildhibaanadan oo shir labo maalmood socday ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa gunaanadkii shirkooda waxay ka soo saareen warsaxaafadeed afar bog ka kooban oo ay uga hadlayeen qaraarkii dhawaan ka soo baxay UN-ka oo ay u arkeen in uu ahaa mid aan raali laga noqon karin faragelinta ay dowladda Itoobiya ku heyso dalka Soomaaliya iyo weliba baaqyo ay u jeediyeen Beesha Caalamka guud ahaan, gaar ahaan Wadamada afrika ee doonaya in ay ciidamo u soo diraan Dalka Soomaaliya.
Xildhibaanadu waxay ugu baaqeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed in uusan ku dhicin wax ay ugu yeereen dabinka iyo khayaanada dowladda Itoobiya kuna yaboohin dalka Somaliya dowladda Xabashida, “Waxaannu ugu baaqeynaa Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmad in uu fuliyo ballantii uu u qaaday umadda Somaliyeed ee ahayd in uusan colaad hor leh u horseedi doonin Soomaali balse uu geed gaaban iyo geed dheerba u fuuli doono sidii uu umadda isugu keeni lahaa una heshiisiin lahaa”ayaa lagu yir warsaxaafadeedka ay soo saareen Xildhibaanada Muqdisho.
Xildhibaanadu waxay sidoo kale baaq u direen Xildhibaanada dowladda Federaalka ee Baydhabo ku sugan, waxayna ka codsadeen in ay kala qeybqaataan sidii loo baajin lahaa in Somaliya ay noqoto goob dagaal, Sidii dalka looga saari lahaa ciidamada Itoobiyaanka ee sida sharci darrada ah ku soo galay dalka iyo Sidii arrimaha Somaliya loogu dhameyn lahaa wadahadal.
Sidoo kalena waxay ugu baaqeen Xildhibaanada Baydhabo ku sugan in ay yimaadaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isla markaana ay indhahooda ku arkaan isbedelka ka jira Xamar iyo guud ahaan deegaanada ay ka taliyaan Midowga Maxkamdaha Islaamka.
Waxay cambaareyn dusha uga tuureen Xildhibaanadu Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo ay ku eedeyeen in uu dalka Soomaaliya ku soo hoggaaminayo, “Waxaannu cambaareyn dusha uga tuureynaa Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ee hor kacaya ciidamada Itoobiya una ololeynaya in ay dowladda Itoobiya qabsato dalka Somaliya. Waxaanna u aragnaa inuusan ka shaqeyneyn danaha umadda Soomaliyeed balse uu wakiil ka yahay madaxda Itoobia (Meles iyo Sium Masfin)”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ay soo saareen Xildhibaanada Dowladda federaalka ee Muqdisho ku sugan.
Xildhibaanadu waxay baaq u direen Dowladda Uganda oo ay uga digeen in ay ka qeybqaadato qorshaha gacan siinta dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya ee ah in ay Dowladda Itoobiya qabsato Dalka Soomaaliya, “Waxaannu ugu baaqeynaa Dowladda Uganda iyo guud ahaan wadammada Afrika in aysan ka qeyb qaadan gacanna siinin qorshaha dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya ee ah in ay dowladda Itoobiya qabsato dalka Somaliya si ay u yeelato bad sidii ay u qabsatay dalka Eritrea 1961dii, Sidoo kalena waxaannu ugu baaqeynaa wadammada Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Wadammada Islaamka iyo Midowga Yurub in la cambaareeyo lagana hor tago qorshaha ay ku bahoobeen dowladda Mareykanka iyo dowladda Itoobiya ee lagu doonayo in dalka Somaliya lagu daro lana hoos geeyo dalka Itoobiya sida ka muuqata maabka cusub ee ay u sameeyeen qaaradda Afrika”ayaa lagu yiri Warsaxaafeedka ka soo baxay Xildhibaanada Dowladda Federaalka ee Muqdisho oo tiradooda la sheego in ay ka badan tahay 50 Mudane.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online