12.1 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Muqdisho oo maanta laga xusay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha

- Advertisement -spot_imgspot_img


Axad, December 10, 2006(HOL): Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha ayaa maanta Muqdisho uga dabaaldegtay sanadguuradii 58aad ee ka soo wareegatay markii la soo saaray Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha oo ku beegneyd 10-kii December 1948-kii, xiligaasoo laga soo gudbay dagaalkii labaad ee Adduunyada.

 

Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha oo ka kooban 30 Qodob ayaa ah heshiis ay gaareen inta badan Dowladaha Caalamka, kuwaasi oo si gaar ah ugu heshiiyay in la dhaqangeliyo baaqa caalamiga ah kadib markii ay bateen dagaallada iyo tacadiyada dhanka ka ah Xuquuqda Aadamiga ee iska sii soconaya oo aan lahayn sharci xakameeya, taasi oo dhalisay in ay kordhiyaan xadgudubyada damiiriga ah ee loo geysanayo bulshada iyo kuwo kale oo aan lahayn dabagal.

 

Soomaaliya waxay ka mid ahayd dowladihii saxiixay heshiiska baaqa Caalamiga ah sanadkii 1960-kii, inkastoo aaney madaxdeeda iyo dadkeeduba dhaqangelin heshiiskaas caalamiga ah bacdamaa ay Soomaaliya ka dhaceen xadgudubyo dhan ka ah Xuquuqda Aadanaha, welina ay ka sii dhacayaan.

 

Xafladdan oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha, isla markaana ay maalgelisay Hay’adda National Endowment for Democracy (NED) oo fadhigeedu yahay magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ka socotay bulshada rayidka qeybaheeda kala duwan, kuwaasi oo aan ka xusi karno Abwaan Cabdi Muxumed Amiin oo ka tirsan guddoonka Xarunta, wuxuuna sheegay in xuquuqda aadaha ay soo martay heerar kala duwan, wuxuuna tilmaamay in la soo maray waqti la is-adoonsan jiray ilaa aakhirkii la isku af-garto in xal loo helo arrimahaas.

 

Cabdi Muxumed Amiin waxaa uu intaas ku daray in dalalka dunida badankood ay xuquuqda aadanaha dhowraan, isagoo taasina sheegay in ay ku xiran tahay hadba sida ay dalalka Adduunyada u kala dhaqaale iyo aqoon badan yihiin, mar uu soo hadal qaaday Qaaradda Afrikana wuxuu ku carrabka ku dhuftay in aan laga dhowrin Xuquuqda Aadanaha.

 

“Dalkeena Soomaaliya waxaa uu saxiixay baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha sanadkii 1960-kii tan iyo xiligaasna dadka Soomaaliyeed weli waa ay xuquuq la’ yihiin dowladihii soo marayna dadka waa ay caburin jireen”ayuu yiri Cabdi Muxumed Amiin oo intaas ku daray in ay dalka Soomaaliya joogaan dad ku canaanyooda Xuquuqda Aadanaha marka la soo hadal qaado, wuxuuse dadkaasi u sheegay in Xuquuqda Aadanaha aysan ahayn sida qaldan ee fasirka looga bixiyo, gaar ahaana in Xuquuqda Aadanaha ay tahay mid Gaalo xageeda laga keenay.

  

Aamino Xaaji Cilmi oo ka mid ah Guddoonka Ururka SSWC ee u taagan badbaadinta Caruurta iyo Haweenka ayaa iyaduna ka hadashay xafladda waxayna sheegtay in Dadka Muslimiinta ah uu Alle xuquuq siiyay, sidaas darteedna ay tahay in Xuquuqdaas dhowraan, “Haddii qofka carrabkiisa iyo gacantiisa laga nabadgalo, dadka oo dhanna ay sidaas sameeyaan waxaan oran karnaa meeshaas waxaa ka jirta Xuquuq Aadane”ayay tiri Aamino Xaaji Cilmi.

 

Aamino waxay ka hadashay Ciidamo la sheegay in loo soo dirayo Soomaaliya, waxayna muujisay wel wel ku saabsan in haddii ciidamadaas loo soo diro dalka Soomaaliya ay dhibaato dhinaca Bani’aadannimada ah la imaan doonaan, sidaas darteedna waxay baaq ku jeedisay in aaney Soomaaliya u baahneyn ciidamo shisheeye balse ay u baahan tahay kaalmo dhinaca bani’aadannimada ah.

 

“Ciidamada Afrikaanka ah ee Soomaaliya loo soo dirayo dalalkii horay loogu diray waxay geysteen xadgudubyo dhinaca Bani’aadannimada ah, ilaa maantana waxaa ugu dambeysa Darfur oo laga qeylinayaa xadgudubyadii ay ka geysteen, marka anigu waxaan ku talinayaa in aan ciidamo shisheeye la keeni dalka Soomaaliya”ayay tiri Marwo Aamino Xaaji Cilmi.

 

C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow oo ka mid ah Dhaqaaqa Bulshada Rayidka ayaa isna ka qudbeeyay munaasabaddii lagu xusayay maalinta baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha, wuxuuna sheegay Abkow in dalka Soomaaliya ay xadgudubyo ka dhaceen, weligoodna aysan dadka Soomaaliyeed arkin xuquuq      u dhowrsan oo ay leeyihiin, isagoo intaas ku daray in mar kasta oo la isyiraahdo dhibkii waa dhamaatay la galo dhibaato kale oo hor leh.

 

Guddoomiyaha Dalladda Dhalinyarada SOYDEN Cusmaan Muxyaddiin Shaatax oo isna xafladda ka hadlay ayaa sheegay in xuquuqda aadanaha dalka Soomaaliya ay tahay mid liidato, wuxuuna taasi sabab uga dhigay caburinta ra’yiga oo ay dowladihii hore soo bilaabeen iy aqoon darro dhinaca Xuquuqda Aadadnaha oo dadka Soomaaliyeed ay qabaan.

 

Cusmaan Muxyaddiin Shaatax wuxuu intaas ku daray in ku tacadigii Xuquuqda aadanaha kaliya laga fiirin jiray kuwa ka dhashay siyaasadda balse ay mar kasta jireen kuwo la xiriira dhinaca Bulshada, “haatan Soomaaliya waxaa isugu xigsaday dhibaatooyin bani’aadannimo oo ka dhashay abaaro iyo fatahaado is-xigay, kuwaasi salfaday nafta kumaan kun oo Soomaali ah, waxaana marag ma doonto ah in ay dadkaasi u baahan yihiin gurmad iyo in il bani’aadannimo lagu fiiriyo”ayuu yiri Cusmaan Muxyaddiin Shaatax.

 

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda isku xirka Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee INXA Marwo Sahra Cumar Maalin ayaa iyaduna fikirkeeda ku biirisay mas’uuliyiintii hadashay, waxayna sheegtay in Baaqa Caalamiga ah ee sanad kasta la xuso 10-ka December uu yahay mid ay saxiixday dowladdii hore, waxayna gaashaanka ku dhufatay in dhowrista Xuquuqda Aadanaha ay gooni u leeyihiin ururrada ka shaqeeya, sidaas darteedna looga baahan yahay qof kasta oo Soomaali ah in uu dhowro.

 

Sahra Cumar Maalin waxay ka hadashay xiisadda ka dhex oogan Maxkamadaha islaamka iyo Dowladda Federaalka, waxayna labada dhinac ka codsatay in ay dhaqdhaqaaqyadooda xakameeyaan, isla markaana ay baajiyaan in uu dagaal dhaco iyagoo ku laabanaya miiska wada hadalka.

 

Ugu dambeyntiina waxaa qudbad dheer ka jeedisay xafladda Marwo Maryan Xuseen Maxamed Awreeye oo ah Guddoonka Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha, waxayna sheegtay in xuquuqda Aadanaha dalka Soomaaliya “waxaa muddo 16 sano ah ka jiray dalka Soomaaliya xadgudubyo baahan oo isugu jiray xasuuq, dilal, faraxumeyn, jirdil, af-duub, dhac, barakicin iyo u adeegsiga caruurta dagaallada sokeeye”ayay tiri Maryan Awreeye oo intaas ku sii dartay “inkastoo sanadkan 2006 bilowgiisii ay dhaceen dagaallo ahli ah oo galaaftay nolosha in badan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, in kalena ay ku cuuryaameen, kuwana ay ku barakaceen, waxaa in la xuso mudan in tan iyo markii ay maxkamadaha Islaamka la wareegeen bishii June inta badan Koofurta Soomaaliya , gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ahayd meeshii ugu xadgudubyada badneyd in ay si aad ah u yaraadeen xadgudubyadii lidka ku ahaa Xuquuqda Aadanaha ee dhici jiray waqti walba”.

 

Maryan Awreeye waxay sheegtay in ay Maxkamadaha Islaamka iyo shacabka Soomaaliyeed oo iskaasday si nabadgelyo loo helo ay mudan yihiin in la bogaadiyo, waxayna waajib ku ah ayay tiri Beesha Caalamka in ay qirtaan hannaanka nabadgelyo ee ka abuurtay Koofurta Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

 

 Maryan Awreeye waxay intaas ku dartay in ay Xaruntooda Xuquuqda Aadanaha ay rumeysan tahay in faragelin iyo awoodaha shisheeye ay Soomaaliya ka sii dhigi karaan meel ay ku sii baahaan musoobooyin iyo xadgudubyo cusub, “haddaba waa in aan wada garwaaqsannaa in aan u wada istaagno annaga oo iskaashaneyna wax ka bedelidda xaaladaha ba’an ee hakin doona nabadda iyo xasiloonida jirta”ayay tiri Maryan Awreeye oo Maxkamadaha Islaamka iyo dowladda Federaalka ka codsatay in ay khilaafka u dhaxeeya si deg deg ah u xaliyaan, iyagoo ka tarjumaya dareenka runta ah ee ay Bulshada Soomaaliyeed qabaan oo ah in ay helaan dowlad damaanad qaadda nabadgelyadooda, xakameysana xadgudubyada lidka ku ah shareecada Islaamka, qaraarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).