Axad, December 10, 2006(HOL): Ardayda Kuliyada caafimaadka iyo qaliinka ee Jaamacada Benaadir ayaa deeqda dawo ah oo isugu jirtay daawooyinka Maqaarka, Malaria-da, Shubanka iyo daawooyin Vitamins iyo kuwa nafaqada gaarsiisay 1,000 (kun) qof kuwaas ku kala nool 12 tuulo oo hoos yimaada gobalka Shabeelaha Hoose,kuwaasi oo kala Sedexmir, Shareey, Muulobareey, Tabeelaha, Xawaale Fuuleey, Sagaaroole iyo kuwo kale kuwaasoo 75 km u jira magaalada Muqdisho.
Dr. Shiikh Nuur Madaxa hogaaminaayay ardaydaas ayaa asagoo faafaahin ka bixinaya u jeedooyinka safarkaas ayaa sheegay in socdaalka ay ku tageen tuulooyinkaas uu ahaa mid muhiimad gaar ah lahaa, isla markaana ay la soo kulmeen dad la xanuunsanaa cudurrada biyaha ka dhasha (water related disease) ee ka mid yihiin Malaria, Upper Respiratory Infection, Diarrhea, Cholera, iyo Parasite, wuxuuna intaas ku daray in intii ay safarkooda gurmadka ah ay guda jireen ay wacyigelin u sameeyeen dadkii ay la kulmeen ee ay dawooyinka u qeybiyeen.
Dhaqtarku waxaa uu sheegay in intii ay howlgalkooda dawo qeybinta ah ayy ku guda jireen ay dhinaca ammaanka ka saacidayeen askar ay ku dareen Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo dadka farayay in ay si kala dambeyn iyo nidaam leh ay dawooyinka u qaataan, una isticmaalaan, wuxuuna caddeeyay in aaney wax is-faham waa’ ah arrintaas ka dhalan.
Dr. Xasan A. Maxamuud Kheyrre ayaa isagoo ka waramayay cuduradii ugu badnaa ee ay halkaas kala kulmeen waxaa uu sheegay in bukaanadii ay la kulmeen ay u badnaayeen kuwo qabay xanuunada Malaria-da, Marasmus, Kwashiorkor iyo Diarrhea, kuwaasoo aad iyo aad u halakeeyay dadka ku dhaqan Tuulooyinkaas, wuxuuna Dhaqtarku walaac ka muujiyay sida ay xaaladdooda noqon karto dadka magaalada Muqdisho u jira in ka badan 75km oo dadkii joogay ay xaalad adag oo dhinac caafimaadka ah ku jiraan
Dr Kheyrre waxaa uu baaq u jeediyay Hay’adaha Samafalka, isagoo ka codsaday in ay dadka waxyeelada ka soo gaartay fatahaadaha Webiyada ay caawimaad deg deg la soo gaaraan, isagoo caddeeyay in ay marar kale booqan doonaan deegaanada ay ku nool yihiin dadka fatahaadaha waxyeelada ka soo gaartay.
Ugu dambeyntiina Dhaqaatiirtii iyo Kalkaaliyayaashii gurmadka u sameeyay dadka ku tabaaloobay Fatahaadaha Webiyada waxaa ay mahadcelin u jeediyeen dadkii gacanta ka geystay safarkooda oo ay ugu horeysiiyeen Maamulka Jaamcadda Benaadir iyo Ururka Ardayda Kuliyadda Caafimaadka Jaamcadda iyo kuliyadaha kale iyo Ciidamda Midowga Maxkamadaha oo ayaga ka saaciday dhinaca ammaanka iyo weliba Odayaasha tuulooyinkaas oo ayagana gacan weyn ka geystay howshaas, sidoo kalena waxay ka codsadeen Hay’adaha WHO iyo UNICEF in ay gacan ka geystaan wejiyada labadaad iyo seddexaad ee ay mar kale gurmad ahaanta u sameyn doonaan Dhaqaatiirta.
Wixii faafaahin Dheeri ah kala xiriir Ururka Ardayda Kuliyadda Caafimaadka Jaamcada Benaadir.
Tel:- 002521-260964 Xaaji Mahad
Tel: 0025259-937118 Dr. Kheyrre