13.4 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan oo ka digaya khatar ka imaan karta Ciidamo soo gala Gudaha Dalka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 09, 2006(HOL): Kadib markii dhawaan golaha Amaanku isku Raacay  in Cunaqabateyta hubka  laga qaado Dalka soomaaliya isla markaana la geeyo Ciidamo nabada ilaaliya, ayaa waxaa siweyn markiiba go’aankaa  looga qaadacay deegaanada ay ka taliyaan Maxaakiimta islaamiga.

 

Gobalka Hiiraan oo ka mid goobaha Maamulka Maxkamaduhu ay gaarsiisan yihiin ayaan laga soo dhaweyn Go’aanka Golaha amaanka, waxaana  sida ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamada Go’aankaasi noqonayaa mid  Dalka iyo Dad kaba u hor seeda  Dagaal faraha looga gubto,

 

Shiikh Axmed Cuumiye Ducaale oo ka tirsan Mas’uuliyiinta sar sare ee Maxkamada ayaa mar uu HOL uga waramay sida ay u arkaan Go’aankaa waxaa uu sheegay in  sida uu hadlka u dhigay Xubnaha ku jira Golaha Amaanka ay muujiyeen  sida ay uga xun yihiin hor marka Dalka soomaaliya uu ka sameeyay xiligan dhinaca nabad-galyada, waayo ayuu yiri waqtigii  dhibaatadu ay  jirtay dalka   islamarkaana ay ka talinayeen  Hoggaamiyayaashii kooxaha  mar naba lama soo hadal qaadin wax uun ku saabsan sidii nabad soomaaliya looga dhalin lahaa, lakiin hada  oo dalka  intiisa badan xasilooni ka jirto  ciidamo ayaa la geeynayaa  waxaa loo fasiran karaa dagaal ayaa laga buurayaa ayuu yiri Shiikh Cuumiye.

 

Waxaa uu intaas ku daray Shiikh Axmed Ducaale in mar walba Maxkamaduhu diyaar u yihiin in ay ka difaacaan Dalka  Cadow soo gala,  isagoo intaa sii Raaciyay in Go’aanka hada la qaatay uu yahay mid ay wada Qorsheeyeen Dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya oo sida uu hadalka u dhigay isku soo baheystay  bur burita Rajada u soo Iftiinta shacabka soomaaliyeed ee ka soo daalay Dagaalada sokeeye,

 

Iyadoo aan la qaadin Xayiraada hubka ee saaran Dalka soomaaliya ayaa waxaa faro galin qaawan ku hayay dowlada Itoobiya, hada oo la qaadayna shaki kuma jiro in Itoobiya iyo maxkamaduhu is arkayaa u yiri Shiikh Cuumiya oo ka digay Dagaal faraha looga Gubto hadii ay dalka soo galaan ciidamo shisheeye,

 

Diidmada Qayaxan ee Mas’uuliiyiinta Maxkamada gobalka hiiraan ay ka muujiyeen Go’aanka ayaan aheyn mid iyaga uun ku gooban ee xitaa waxaa jira in goobaha qaar Qaadacaada go’aankaa lagu muujiyay dibad baxyo,

 

Laakiin marka laga soo tago dhinaca Maxkamadaha waxaa go’aankaa si weyn u soo dhaweeyay Xubnaha sar sare ee Dowlada Faderaalka oo iyagu sheegay in ciidamo soo gala dalka lagu gaari karo xasilooni buuxda.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com  

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).