Sabti, December 09, 2006(HOL): Waxaa ka socota Magaalada Baydhabo qaban qaabo loogu jiro qabashada banaanbax lagu taageerayo go’aankii ka soo baxay Golaha Ammaanka ee ku saabsanaa in ciidamo shisheeye loogu diro Soomaaliya.
Banaanbaxan oo ay qaban qaabadiisa gacan ka geysanayaan Maamulka Gobolka Bay ayaa waxaa la filayaa in ay ka qeybgalaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo codkooda taageerada ah ku biirin doona dad dibadbaxa sameynaya, walow aan la xaqiijin karin in ay dibadbaxa ka soo xaadiri doonaan mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka.
Maalintii shalay ahayd ayaa deegaano badan oo Maxkamadaha Islaamka ay ka taliyaan waxaa ka dhacay dibadbax looga soo horjeeday go’aanka ka soo baxay golaha Ammaanka, iyadoo mas’uuliyiintii Maxkamadaha ee dibadbaxyadaasi ka qeybgalay ay sheegeen inaan dalka Soomaaliya looga baahneyn ciidamo shisheeye, isla markaana ay dadka Soomaaliyeed nabadgelyo heystaan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo tan iyo markii Kenya lagu soo dhisay waqtigeeda intiisa badan ku qaadatay magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo ayaa haatan waxay u muuqataa mid gobolkii ay ku sugneyd ee Bay ay la maamulayaan Maxkamadaha Islaamka oo iyagu la wareegay gacan ku heynta deegaano badan oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online