Jimco, December 08, 2006(HOL): Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka ee ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa waxay gacan ku dhigeen nin ay ka shakiyeen oo ku soo labistay Labiska ay Dumarka xirtaan, gaar ahaan Xijaabka iyo Indho-shareerka.
Ninkan oo lagu magacaabo Ibraahaim Guudow Ibraahim ayay Ciidamada Booliska baaris ku hayaan, inkastoo uu yahay nin ka soo jeeda deegaanadda Digil iyo Mirifle isla markaana aan ka imaanin deegaano kale.
Taliye ku xigeenka Saldhigga Booliska Baydhabo Xuseen Keerow Xasan ayaa sheegay in ay ninkaasi ka soo qabteen Xaafadda Horseed ee magaalada Baydhabo, iyadoo markii ay gacanta ku soo dhigayeen uu ku jiray gurigiisa, isla markaana uu iska dhigayay dharkii uu xirnaa.
Ciidamada Booliska iyo kuwa Mileteriga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmahan waxay wadaan howlgallo ay ku sugayaan ammaanka Magaalada Baydhabo oo muddo labo jeer ah ay ka dhaceen qaraxyo xooggan oo ay dad ku dhinteen.
Maalintii dorraad ahayd ayay Ciidamada Dowladda Federaalka rasaas ku kala ceyriyeen dadweyne isugu soo baxay in ay daawadaan Isha Baydhabo oo ay ku soo rogmadeen daadad ka dhashay roobab ka da’ay magaalada Baydhabo oo biyihii ay dhigeen bohosha Isha ay gaareen heer ay ku fatahaan xaafadaha u dhow Isha, iyadoo rasaastii dadka lagu kala ceyrinayayna uu ku dhintay wiil dhalinyaro ah oo saarnaa Geed Bardo ah oo ku yaala agagaarka Isha.
Magaalada Baydhabo oo fariisin KMG ah u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa labo jeer ka dhacay qaraxyo waa weyn oo la soo qaabeeyay, kuwaasi oo ka kala dhaxay agagaarka Xarunta Baarlamaanka Federaalka ee ADC-da iyo koontaroolka Bakiin ee ku yaala halka laga galo Magaalada Baydhabo, iyadoo labadaas qaraxna loo adeegsaday Gaadiidka yar yar Mark II loo yaqaano.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online