13.4 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Magaalooyinka Boosaaso iyo Laas-caanood oo maanta ay ka oogantay xiisad ka dhalatay in faaf-reeb lagu sameeyo Qudbooyinka Masjidyada la aqriyo Jimcaha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, December 08, 2006(HOL): Waxaa maanta ay xiisad ka oogantay Magaalooyinka Boosaaso iyo Laas-nood ee Gobollada Bari iyo Sool, kadib markii ay is-qabteen Ciidamada Booliska Puntland iyo Culumaa’udiinka Magaalooyinkaas oo isku af-garan waayay in la faaf reebo qudbooyinka ay Culumaa’udiinka ka aqriyaan Masjidyada maalinta Jimcaha.

 

Magaalada Boosaaso haddii aynu ku horeyno waxay wararka naga soo gaaraya sheegayaan in ay halkaasi isku rasaaseeyeen Culumaa’udiin ku sugnaa Masjid lagu magacaabo Al-Rashiidi iyo Ciidamada Booliska oo iyaguna doonayay in ay koontaroolaan Qudbada lagu aqrin doono Masjidka, iyadoo taasina ay keentay in ay culumaa’udiinkii ka gadoodaan dabadeedna ay masjidka dushiisa intey hub la fuuleen ay rasaaseeyeen ciidamadii u yimid oo iyagana rasaasta lagu soo riday ka jawaabay

 

Dadweyne aad u faro badan oo isugu jiray kuwo doonayay in ay Masjidka Salaadda Jimcaha ku oogaan iyo kuwo kale oo ka soo baxa xaafadaha u dhow masjidka ayaa waxay gacan siiyeen Culumaa’udiinkii waxayna ku bilaabeen Ciidamadii in ay rasaas iyo dhagax tuurid ilaa ay meeshii ka cararaan.

 

Lama soo sheegin ilaa iyo haatan cid wax ku noqotay is-rasaaseyntaas, walow ay jiraan gadiid yaalay Masjidka nawaaxigiisa oo ay waxyeello ka soo gaartay dhagxaantii ay Dadweynuhu tuurayeen.

 

Magaaalada Laas-caanood ee gobolka Sool ayay iyaduna wararka naga soo gaaraya sheegaya in ay maanta iyadana xiisad arrintaas la xiriirtay ay la dhexmartay Ciidamada Booliska ee halkaas jooga iyo culumaa’udiinkaas halkaas ku sugan, inkastoo intii uusan gacan ka hadal dhexmarin uu wada hadal u furmay culumaa’udiinka iyo ciidamada doonayay in ay ka koontaroolaan Qudbada ay Masjidyada ka aqrinayaan.

 

Ciidamada ay is-qabteen Culumaa’udiinka Magaalooyinkaas ayaa waxay fulinayeen amar ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee Maamul Goboleedka Puntland, taasi oo dhawaan soo saartay amar ah in aan masjidyada laga jeedin karin qudbooyin dadka lagu kicinayo, iyadoo amarkaasna ay bixisay Wasaaradda kadib markii muddooyinkan dambe ay masjidyo dhowr ah oo ku yaala Magaalooyinka Puntland ay Culumaa’udiinku ka bilaabeen in ay Qudbooyinka Jimcaha ku soo qaataan baaqyo ku saabsan in ay waajib tahay in Jihaadka laga qeybqaato.

 

Maamul goboleedka Puntland ayaa dhawaanahanba waxaa ku furneyd mowjid kaga timid dhinaca beelo wax ka soo dhistay maamulka Puntland, kuwaasi oo sheegay in ay doonayaan in ay qaataan ku dhaqanka Shareecada Islaamka, iyadoo go’aankaasina uu ka soo horjeestay Madaxweynaha Maamulka Puntland Jen. Cadde Muuse oo sheegay in aaney jirin beelo go’aankaas qaatay balse ay jiraan shakhsiyaad arrintaas gadaasha ka riixaya oo doonaya in ay nabadgelyo darro u keenaan Deegaanada uu ka taliyo Maamulka Puntland.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).