13.4 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Dowladda Federaalka oo ku dagaalamaya Degmada Diinsoor

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, December 08, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in uu dagaal ka dhex qarxay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Dowladda Federaalka oo beryahaan isku horfadhiyay degmada Diinsoor iyo deegaano u dhow.

 

Sidoo kalena jiritaanka dagaalkan waxaa xaqiijiyay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in ay ciidamadooda jooga Degmada Diinsoor ay weerar ku soo qaadeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah.

 

Ilaa iyo haatan ma jiraan wax faah faahin oo laga bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac ka dhex qarxay, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay maalmahan xumeyd isgaarsiinta Degmada Diinsoor.

 

Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ayaa horaantii todobaadkan waxay qabsadeen Degmada Diinsoor oo ka tirsan afar degmo oo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay horay maamul ugu sameysay, iyadoo taasina ay keentay in ay Dowladda Federaalka halkaasi ciidamo u dirto.

 

Dagaalkan ka dhex qarxay labada dhinac ayaa wuxuu ku soo beegmeysaa iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu isku raacay in ciidamo nabad ilaaliyayaal ah oo difaaca loo diro Dowladda Federaalka, waxaana go’aankaasi ka soo horjeestay Maxamadaha Islaamka oo sheegay in haddii ciidamo loo soo diro Soomaaliya ay la dagaalami doonaan, halka Dowladda Federaalkana ay soo dhaweysay Qaraarka ka soo baxay UN-ka oo ay ku tilmaantay mid sax ah oo ay horay u codsatay Dowladda Federaalka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).