13.4 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka oo jawaabo kala jaan ah ka bixiyay go’aankii ka soo baxay Golaha Ammaanka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, December 08, 2006(HOL): Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka ka soo baxay Golaha ammaanka ee ciidamada loogu soo dirayo Soomaaliya uu yahay mid hal dhinac u xaglinaya.

 

Shariif Shariif Shiikh Axmed guddoomiyaha Guddiga fulinta Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegay in go’aankaas uu yahay mid dhibaato u horseedaya dalka Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeyay Dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya in ay go’aankaas ka dambeeyaan.

 

Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu intaas ku daray in go’aankaas uu yahay mid qaab qatartiisa leh loo meel mariyay bacdamaa sida uu yiri uu u daneynayo dhinac ka mid ah dhinacyada isku haya dalka Soomaaliya.

 

“Ciidamo Shisheeye dalkeena uma ogolaan doonno, waana la dagaalami doonaa, qaraarkaasna waxaa soo sameeyay labo dowladood oo cadaw ku ah dadka Soomaaliyeed”ayuu yiri Shiikh Shariif oo sheegay in ay Maxkamadaha Islaamka u diyaargaroobeen dagaal ay la galaan ciidamada shisheeye ee imaanaya.

 

“Waxay doonayaan in ay ilaaliyaan oo ay dhinac gacan siiyaan, dhinaca kalena ay la dagaalamaan, taasina waxaan leenahay waad ku jebi doontaan, waana idinka guuleysan doonnaa, idinka oo duleysan ayaadna naga tegi doontaan”ayuu yiri Shiikh Shariif oo wareysi siiyay Taleefashinka Af-Carbeedka ku hadla ee Al-Jazeera, isagoo intaasna ku sii daray in ay maxkamadaha Islaamka doonayaan nabad ilaa heer caalami ah.

 

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi, isla markaana ka hadlay sida uu u arko go’aanka uu UN-ka gaaray ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aanka ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuuna sheegay in ay ciidamada imaanaya ay ka kaalmeyn doonaan dowladda Federaalka dhinaca tababarka ciidamada, sidoo kalena ay difaac u noqon doonaan.

 

Prof. Geedi waxaa uu sheegay in ay dowladda Federaalka u diyaargarowday in ay dalka Soomaaliya ka xoreyso kooxo argagixiso ah oo ku sugan, isagoo carrabka ku dhuftay in ay awooddaaas leedahay dowladda Federaalka.

 

Rajada ay Dowladda Federaalka ka qabto in ay sii socdaan Wada hadalladii Khartoum ayuu ka hadlay, wuxuuna sheegay in ay mar kasta Dowladda Federaalka hormuud u ahayd arrimaha dib u heshiisiinta, isagoo tusaale u soo qaatay in ay markii ugu horeysay ee Khartoum la isugu tegay ay halkaas tageen mas’uuliyiinta sare ee dowladda, halka Maxkamaduhuna ay rag hoose shirkaas u dirsadeen. Sidoo kalena wuxuu sheegay in shirkii u dambeeyay uu u baaqday sabab la xiriirta Maxkamadaha Islaamka oo shuruud ku xiray.

 

Wuxuu intaas ku daray Ra’iisal Wasaare Geedi in ay Maxkamadaha Islaamka mar walba jebinayeen heshiisyadii Khartoum lagu soo gaaray, wuxuuna xusay inay qodobadaas ka mid ahaayeen in ay Maxkamadaha Islaamka joojiyaan is-ballaarinta iyo meelaha ay qabsanayaan.

 

Dhanka kalena Maxkamadaha Islaamka ayaa ku baaqay maalinta berri ah in ay dadka Muqdisho isugu yimaadaan banaanbax lagu diidan yahay go’aanka ka soo baxay Golaha Ammaanka ee ciidamada lagu keenayo dalka Soomaaliya, iyadoo banaanbaxaasina uu ka dhici doono Garoonka Kubadda Cagta ee Conis, sida uu saxaafadda u sheegay Axmed Cabdulle Qare oo ah Guddoomiyaha Golaha Kacdoonka Shacabka.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee go’aanka ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Ciidamada loogu soo dirayo Soomaaliya ayaa wuxuu sii fogeeyay rajadii ay dadka Soomaaliyeed ka qabeen in ay is-faham gaaraan Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka, waxayna dad badani saadaalinayaan in ay dagaallo dhibaato geysta dhici doonaan haddii ay dalka Soomaaliya galaan Ciidamada loo fasaxay Afrika ka imaanaya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).