13.4 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay isku raacay in Ciidamo nabad ilaaliyayaal ah loo diro Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis December 07,2006(HOL): Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay Qaraar uu Mareykanka u soo gudbiyay, kaasi oo dalbanayay in dalka Soomaaliya loo diro Ciidamo nabad ilaaliyayaal ah oo difaaca dowladda Federaalka Soomaaliya.

15 Xubnood ee joogtada ah ee Golaha Ammaanka ayaa waxay isku raaceen in ciidamo ka socda AU iyo IGAD loo diro Soomaaliya, si ay u tababaraan muddo lix bilood ah ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya, sidoo kalena ay dowladda uga difaacaan weerarro uga yimaada dhinaca Maxkamadaha Islaamka.

Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Mr. John Bolton ayaa sheegay in sababta ay u soo gudbiyeen Qaraarkan ay tahay in xasilooni lagu soo celiyo dalka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in aaney tallaabada ciidamo u dirista aaney ahayn xalkii ugu dambeysay hayeeshee dhinaca kale ay lagama maarmaan tahay in la sii wado wada hadalladii u socday Dowladda iyo Maxkamadaha.

Mr. Bolton wuxuu intaas ku daray in Ciidamada loo dirayo aaney ahayn kuwo UN-ka ka socda balse ay yihiin kuwo Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD ka socda, kuwaasi oo ka hortegaya in ay dagaallo dhacaan, isla markaana uu dagaalkaasi noqdo mid gobolka oo dhan ku sii baaha.

In Ciidamo loo soo diro Soomaaliya waxaa horay u dalbatay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu muddo labo sanadood ah jirsatay, welina aan cagta dhigin magaalada Muqdisho oo haatan ayba gacan ku heynteeda la sii wareegeen Maxkamado Islaami ah oo Dowladda Federaalka ku kacsan.

Dhanka kalena, waxaa Ciidamada loo soo dirayo si weyn uga soo horjeeda Maxkamadaha Islaamka oo iyagu maalmihii tegay Muqdisho ku qabanayay banaanbaxyo looga soo horjeedo ciidamada Soomaaliya loo soo dirayo iyo weliba faragelinta ay ciidamada Itoobiya ku hayaan dalka Soomaaliya.

Markii uu soo baxay go’aankan UN-ka uu soo saaray ayaa waxaa hadlay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha, kuwaasi oo fikrado kala duwan ka bixiyay go’aanka ka soo baxay UN-ka, wuxuuna Xoghayaha Arrimaha Dibadda Prof. Ibraahim Xasan Caddow uu sheegay in go’aankaas uu yahay mid lagu carqaladeynayo Nabadda ay maxkamadaha Islaamka ku soo dabaaleen deegaano dhowr ah oo ka tirsan Dalka Soomaaliya, halka Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jingeli uu sheegay in ay go’aankaas soo dhaweynayaan, isla markaanaa uu ahaa mid ay horay u dalbatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, go’aanka ka soo baxay Golaha Ammaanka ee u xaglinaya dhinaca Dowladda Federaalka ayaa la oran karaa wuxuu sii fogeyn xal ay dhinacyada isku haya Soomaaliya ay wada hadal ku gaaraan, bacdamaa ay muuqdaan ifafaallooyin kala aamin bax muujinaya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).