Arbaco, December 06,2006(HOL): Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka mid ah waxaa caawa ka kacay Dab ka dhashay Burjikada wax lagu karsado oo iyadoo shidan looga dhex tegay meel maqaaxi ah.
Dabkan ayaa wuxuu ka kacay qeybta Saiiraha lagu iibiyo, iyadoo halka ay ku kacayna ay ku dhaweyd meelaha lagu sameeyo alaabaha guryaha la dhigto, gaar ahaan kuwo alwaaxda laga sameeyo ee dalka gudahiisa lagu sanceeyo.
Dadweyne aad u faro badan oo dabka ku soo baxay aya waxay ku guuleysteen in ay dabkaas baqtiyaan kadib markii ay biyo ku shubeen, iyadoo aan ilaa iyo haatan la soo sheegin inta uu la egyahay khasaaraha uu dabkaas geystay. Goobta uu dabku ka kacay ayaa waxaa ilaalo ka haya ilaalada Suuqa oo iyagu dadka ka dhex goobaya kuwo bililiqo doon ah oo aan dab-damis u imaanin.
Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Suuqa Bakaaraha Dab ka kacay, wuxuuna Suuqaas oo ah midka ugu weyn Soomaaliya uu horay u gubtay tiro ka badan afar jeer, iyadoo intaasna ay mar kasta ku baaba’eysay Hanti aad badan, isla markaana ay ku wax beelayeen dad Hanti heysay.
Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Hiiraan Online
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia