13.4 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in aan hubka yar yar hadda laga qaadi doonin dadka Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, December 06, 2006(HOL): Guddoomiyaha Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa shaaca ka qaaday in aaney Maxkamadaha Islaamka waqti xaadirkan bilaabi doonin uruurinta hubka fudud.

 

Guddoomiyaha wuxuu intaas ku daray in aaney Maxkamadaha Islaamka gaarin xiligii ay bilaabi lahayd howlgallo ay hub ku uruurineyso, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu xiligaasi yahay marka ay Maxkamadaha Islaamka u shaqeeyaan sida Dowlad oo kale oo markaasina ay dadka u wada saamaxaan adeegyada ay u baahan yihiin.

 

Shiikh Xasan Daahir waxaa uu sheegay in aaney munaasab ahayn in dadka Soomaaliyeed hubka laga dhigo oo la qaawiyo iyadoo lagu jiro xaalad dagaal, wuxuuse intaas ku daray in laga doonayo dadka hubka waa weyn heysta in ay hubkooda ku biiriyaan kuwa lagu difaacayo dalka iy dadka Soomaaliyeed.

 

Shiikh Xasan wuxuu ka hadlay Shirkadaha Ganacsiga iyo Hay’adaha weli hubka heysta, wuxuuna tilmaamay in ay dhamaatay baahidii hubka loo heysan jiray oo ahayd Nabadgelyo darro, sidaas darteedna looga baahan yahay ganacsatada, Hay’adaha iyo Shakhsiyaadka kale in ay hubkooda ku daraan midka dalka lagu difaacayo.

 

Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Guddoomiyaha Guddiga fulinta Maxkamadaha Islaamka ayaa horay u sheegay in Maxkamadaha Islaamka ay bilaabi doonaan howlgallo ay ku uruurinayaan hubka dadka guryaha u yaala, wuxuuna taasi ku sababeeyay in aaney suurtagal noqon karin in ay nabadgelyo ka shaqeeyaan,. Dadkana uu gurayaha hub u yaalo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).