Talaado, December 05, 2006(HOL): Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maxkamadaha Islaamka Prof. Ibraahim Xasan Caddow ayaa sheegay in aaney weli waxba iska bedelin shuruudihii ay ku xireen ka qeybgalka shirka Khartoum, kuwaasi oo ahaa in Ciidamada Itoobiya dalka laga saaro iyo in aaney IGAD wax ka guddoomin shirka lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka, :”Shuruudihii ay Maxkamadaha Islaamka ku xireen ka qeybgalka Shirka Khartoum weli waa sideedii”ayuuna yiri Prof. Ibraahim Xasan Caddow.
Prof. Caddow waxaa uu sheegay in ay maxkamadaha islaamka ka shaqeeyaan nabadda iyo danaha dadka Soomaaliyeed, sidaasi darteedna aysan ogolaan karin in ay u soo qaadaan Ummadda Soomaaliyeed wax aan dan u ahayn.
“Waxaan diidannahay in Umadda Soomaaliyeed madaxa loo saaro wax aan dan u ahayn iyadoo ciidamo lagu taageerayo Dowladda Federaalka oo aan kalsooni ka heysan Shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Prof. Caddow oo intaas ku daray in ay u arkayaan in doorka IGAD ee arrimaha Soomaaliya uusan dhexdhexaad ahayn.
Wuxuu ka hadlay kulan ay shalay Muqdisho kula yeesheen Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Francois Lonseny Fall, wuxuuna sheegay in ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan sidii loo sii wadi lahaa Wada hadalladii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka.
Dhawaan ayay mas’uuliyiin ka socota Maxkamadaha Islaamka iyo Urur Goboleedka IGAD waxay kulan ku yeesheen Dalka Jabuuti, inkastoo aan kulankaasi waxyaabihii ka soo baxay aaney caddeynin mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka markii ay Muqdisho dib ugu soo laabteen, marka laga reebo in ay IGAD garawshiyo ka bixisay in ay Maxkamadaha Islaamka wax weyn ka qabteen ammaanka gudaha dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online